|
|
|
|
|
|
|
Odayaal Cabasho Ka muujiyey
waftigii wasiirada ee
xukuumadu u soo dirtay
masiibadii barafka Ee ka
dhacday G/Awdal |
|
|
|
(Updated:-(Sun.17.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Boorama(Bnn)xubno
odayaal ah oo sheegay inay yihiin gudida
deegaanka buuralayda woqooyi ee degmada
Boorama ayaa cabasho ka muujiyay waftigii
wasiirada ee xukuumadu u soo dirtay
masiibadii barafka oo ay sheegeen inay ka
leexdeen oo aanay soo marin deegaankooda oo
ka mid ah meelihii dhibaatadu soo gaadhay,
iyaga oo siodoo kale sheegay inay
wasiiradaasi ka reebeen deegaankooda
warbixintii qiimaynta ee ay socdaalkoodii ka
dib siiyeen idaacada BBC da.
Xubnahan deegaanka buuralayda degmada
Boorama oo ka koobnaa 13 xubnood ayaa ka
dayriyay xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku
dhaqan deegaanka iyo xoolihii tirada yaraa
ee ka samato baxay masiibadii roobabka
barafka oo ay sheegeen in ilaa hada
dhimashadoodu socoto ka dib markii ay la soo
darseen xanuuno iyo tamar daro, dadkuna ay
ildaran yihiin oo laftooda xanuuno
haleeleen, ilaa imikana aanay hayn wax gar
gaar caafimaad ah oo xukuumad ama meel kale
uga yimid.
Shir jaraaid oo ay shalay qabteen waxa ay ku
yidhaahdeen"waxaanu aad uga xunahay xubnihii
wasiirada ee ay ka midka ahaayeen
qorshaynta, xanaanada xoolaha iyo wasiiru
dawlaha arimaha gudaha iyo xubnihii kale ee
la socday oo iska dhinac maray deegaankayaga
buuralayda woqooyi oo ka tirsan degmada
Boorama oo ah meelihii ay dhibaatada badani
ka dhacday oo saxaafada iyo maamulka
degmaduba markhaati ka yihiin indhohoodana
ay ku soo arkeen, hadaba aniga oo arintaa la
yaaban ayaa waxaanu qaadan waynay
warbixintii ay ka sii daayeen BBC da oo ay
mar kale ka reebeen deegaankayagan oo ay
horena isaga dhinac mareen iyaga oo ku soo
koobay degmooyinka Baki, Lughaya iyo Saylac"
Waxa kale oo ay sheegeen in xaalada dadka
iyo xoolaha u hadhay dadka deegaankani inay
ka sii darayso marba marka ka dambaysa'ilaa
hada wax gar gaar caafimaad ma hayno dadka
iyo xoolaha inta yar ee hadhay xanuuno ayaa
haleelay, xoolaha yar ee hadhay wali way
dhimanayaan qabowgiina wali wuu socdaa,
waxaana ka mid ah deegaanadaa dhibaatadu
saamaysay ee aanu ka hadlayno Dhagaxa madow,
Gargooray, Xaliimaale, Weeraar iyo
deegaanada kale ee Abase iyo Badanbad oo ay
horena uga jirtay abaar aad u bahan
dhibaatadanina ay u raacday dadka iyo
xooluhuna ay ildaran yihiin, wax gar gaar
raashin ahna waxa ilaa hada na soo gaadhay
woxoogaa ay culimada Boorama noo keeneen iyo
D/hoose oo noo keentay raashin ay ka soo
ururiyeen qaybaha degmada Boorama ee aanay
dhibaatadu saamayn iyo woxoogaa ay sheegeen
in dawladu soo dirtay laakiin marka la eego
xaalada meesha ka jirta intaasi waxba kama
tarin oo meesha waa lagu caydhoobay
xoolihiina dadka way ka dhamaadeen"
Odayadan oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Xuseen
Xasan Tukaale, Barkhad Ibraahin Barkhad,
Ibraahin Isaq Axmed, Siyaad Xuseen Cumar,
Barkhad Ibraahin Aare, Saleebaan Suge iyo
xubno kale waxa ay ugu dambayntii ugu
baaqeen xukuumada, hayadaha samafalka iyo
bulshada reer soomaalilandba inay gurmad deg
deg ah ooo balaadhan la soo gaadhaan dadka
ku tabaalaysan deegaanka woqooyi ee degmada
Boorama iyo deegaanada kale ee gobolka ee ay
masiibadani saamaysay, iyaga oo baahida ugu
weyn ku sheegay gar gaar caafimaad si loo
bad baadiyo dadka iyo xoolaha yar ee hadhay,
iyo gar gaar cunto maadaama ay dadka tabar
yarida abaaro u raaceen.
Cabdiraxmaan Maxamad Habane
(Bnn)Borama News Network
Boramanews.com
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|