Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Xisbiga mucaaradka Kenya ee ODM oo baajiyay banaan baxooda ay qorsheeyeen in ay berri ku qabtaan magaalada Nairobi.

           (Updated:-(Wed.27.Feb..2008)
 

Nairobi(Bnn)xisbiga ODM ee mucaaradka dalka kenya oo maalinta berrito ah qorshahooda ahaa in banaan bax nabadeed ay ku qabtaan magaalada Nairobi ayaa goor dhow ku dhawaaqay in ay joojinayaan mudaaharaadkoodaas oo ay ka talo baxeen.
 
iyada oo aysan wali laga hayn wax tafaasiil ah .
 
arrintani ay xisbiga ODM ku badaleen qorshahooda banaan baxa ayaa waxaa ku dhawaaqay hogaamiyaha xisbigaasi Raila Odinga ka dib markii uu kulan maanta la qaatay dhexdhexaadiyaha dowladda iyo mucaaradka dalka kenya ahna xogahayihii hore ee QM Kofi Anan
waxa arintaa noo soo gudbisay wariyahayaga noo fadhida kenya nairobi oo aan kula xidhiidhnay khadka tilifoonka iyado oo tidhi ..
 
Kofi Anan ayaa ku qanciyay xisbiga ODM in ay baajiyaan banaan baxooda oo laga yaabo in uu sii murjiyo wada hadallada gadaal laga riixayo ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka isla markaana uu isagu imika dadaal dheer ugu jiro sidii uu xal waara u keeni lahaa.

ilaa imika isbadalo lagama haayo sababtoo ah waxaa wali israacin xukunka ay mideynayaan mucaaradku iyo kuwa kaleba .
 
xisbiga ODM ayaa horaan u sheegay in hadii aan si deg deg ah jahwareerka siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka u dhexeeya loo xalin ay taageerayaashooda ugu baaqayaan banaan bax nabadeed oo ay ku qabtaan magaalada Nairobi.
 
Fadumo Macalin Abubakar (Fadumoruush)
(BNN) boramanewsnetwork

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye