|
|
|
|
|
|
|
Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo
Si Cadho leh uga Jawaabay
Eedemo losoo Jeediyey |
|
|
|
(Updated:-(Thu.28.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Borama(Bnn)
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh.
C/laahi Cige ayaa si cadho leh uga jawaabay
eedeemo ay usoo jeediyeen qaar ka tirsan
waxgaradka iyo cuqaasha Gobolka Awdal.
Gudoomiyaha Gobolka oo Shir Jaraaid ku
qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Maamulka
Gobolka ee uu Madaxda u yahay ay u siman
yihiin beelaha Gobolka Wada Dega.
Gudoomiyuhu wuxu sheegay inay jiraan dad
dhinaca Xun wax ka eegaya marka wanaag la
wado isagoo arinkaa ka hadlayana wuxu yidhi
"markasta oo wanaag iyo wada shaqaynta dadka
ay iska kaashadaan koomishanka iyo maamulka
dowlada ee gobolka ayaa waxa soo baxaya dad
dhinaca xun uun wax u wada kuwaas oo si xun
u turjuma ujeedooyin kasta oo lagu doonayo
in la iskaga ilaaliyo khilaafaadka
carqaladayn kara nidaamka doorashooyinka"
isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi "
Maamulka Gobolku wuu u siman yahay beelaha
Gobolka cidii ama beeshi wax tabanaysana
arrinkoodu wuxu khuseeya odayada ama
salaadinta beeshaasi iyo koomishanka
doorashooyinka, laakin anangu koomishanaw
maxad sida u yeeshay afkayaga maaha.
sidaa darteed waxaan koomishanka iyo cid
kasta oo wakraasi beenta ah dareen ka
muujisay u sheegaya inuusan warkaasi ahayn
mid aniga iga soo baxay, isla markana aanan
wax eedayn ah u soo jeedin koomishanka
Qaranka. ci`diise koomishanka si kale u
doonaysana iyadaa og ee yaanay maamulka
gobolka kula soo galgalanin"
Labadii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa waxa
kasoo baxayay Qaar ka mid ah Beelahaa
gobolka Awdal diidmo ay ku diidan yihin
Wakiilada Degmooyinka ee Koomishanka
doorashooyinku u magacaabay xilil, iyadoo
qaar ka mid ah Cuqaasha Gobolkuna ay eedayn
dusha uga tuureen Gudoomiyaha Gobolka Awdal
Maxamed Sh. C/laahi Cige,
Borama News Network
Borama Office
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|