|
|
|
|
|
|
|
"Ma jirto Aflagaado uu
Madaxtooyada u geystay oo loo
haysto Abshir, balse waxa loo
haysta Faldambiyeedyo kale"
Taliyaha Ciidanka Booliska JSL
Md Mohamed Saqadhi Dubad |
|
|
|
(Updated:-Sat.3.May.2008) |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Hargeysa (Bnn)- Ciidanka
Booliska JSl ayaa beeniyey inay jiraan eedaymo la
xidhiidha aflagadooyin uu Abshir u gaystay Qoyska
madaxtooyada oo loo xidhay.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Col.
Maxamed Saqadhi Dubad oo maanta u waramay saxaafada
ayaa sheegay inaan jirin wararka ay faafiyeen
wargeysada kasoo baxa Hargeysa kuwaas oo ay ku
sheegayn in Abshir Xasan Xaashi oo ka tirsan Golaha
Dhexe ee Xisbiga kulmiye ay kusheegayn in abshir loo
xidhay Aflagadooyin uu u geystay Qoyska Madaxtooyada
kuwaas oo uu ku faafiyey Wargeysada Dalka gaar ahaan
Haatuf.
Talyuhu wuxu sheegay in Abshir loo haysto
faldambiyeedyo uu galay oo isla markana in badan la
raadinayey oo uu dhuumasho ku jiray, wuxu talyuhu
xusay in Abshir tiraba labo jeer ka baxsaday gacanta
ciidanka booslika hadana gacanta lagusoo dhigay
sharcigana la marsiin doono.
Mar Talyaha wax laga waydiiyey faldambiyeedyada uu
galay Abshir Xasan Xaashi wuu ka gaabsaday talyuhu
inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo.
Abshir Xasan ayaa ahaa madaxa gadiidka ee
Madaxtooyada isagoo sioo kalena ahaa Dirawalka
Khaaska ah ee Marwada Madaxweynaha, wuxuna
wargeysyada dalka ku faafiyey documentiyo uu
kusheegay cadeemo muujinayey musuqmaasuq ay galayn
qoyska madaxtooyadu kuwaas oo si taxane ah loogusoo
daabici jiray Wargeyska Haatuf ee Hargeisa kasoo
baxa.
Borama News Network
Hargeysa Office
|
|
|
|
|
|
|
|
|