Hargeysa (Bnn)Suldaan
Yuusuf Max'ud Xiirey oo ka mida madax dhaqameedka
Somaliland ayaa Shalay kulan la yeeshay wefti
odayaal ah oo ka socda Degmada Maydh ee G/sanaag.
Kulankan oo ka dhacay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada
Hargeisa ayaa ujeedadiisu waxay ahayd is xog waraysi
la xidhiidha sidii loo dhisi lahaa Dekeda Maydh
hawshaas oo wefti odayaal ahi beryahnba u joogeen
Hargeysa.
Ugu horeyn waxa kulankan ka hadlay Xasan Ducaale oo
ku hadlayay magaca weftiga isagoo ka waramay
marxaladihii hawshu soo martay iyo baahida lagama
maar-maanka ah ee bulshada Gobolku u qabto
hirgelinta mashruucan[Ugu horayn Suldaan waxaan
kaaga mahad celinaynaa kulankan aad nagala soo qayb
gashay kaas oo ujeedadiisu tahay sidii loo sii anba
qaadi lahaa hawsha dhismaha Dekeda Maydh oo hada
mudo soo socday, Bilawgii waxa hawshan u kacay Nuur
Cilmi oo ka mida Odayaasha Reer Somaliland ee ku
dhaqan Wadanka Ingiriiska wuxuu Geeyay Injineero ku
soo sameeya Qiimayn wixii lagama maar-maan ah
eehawshu lagu bilaabi karayo taasi way soo dhamaatay
hada waxay taagan tahay sidii hindisaha loogu bedeli
lahaa ficil taas oo u baahan in layska kaashado
shacbi iyo Dawladba mudadii aanu halkan joognay
waxaanu la kulanay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada
kuwaas oo balan qaaday in dhinacooda ay diyaar u
yihiin wixii hawshan kaga soo hagaaga kulankan
maantana waxa lagama maar-maan noqotay in dhinaca
Dhaqankana ad hawshaa wixii idinkaga aadan aad u
guntataan] ayuu yidh Xassan Ducaale
Suldaan Yuusuf Max'ud Xiirey oo isaguna kulankan ka
hadlay ayaa weftiga uga mahad celiyey hawshan ay isu
xil qaameen taas oo ah waajib qofkasta oo
Somalilander ah inuu kaalintiisa ka qaato[Aad baan
idiinkaga mahad celinayaa kulankan maanta iyo hawsha
aad isu xil saarteenba runtii waan ku faraxsanahay
inaan dhinacayga wixii igala gudboon arintan ka
qabto taas oo ah waajib muwaadin kasta inuu ka qayb
galo wixii Dalkiisa iyo Dadkiisa lagu hor marinayo
waxan balan qaadayaa hadii ilaahay idmo inaan alaab
kasta garaaco sidii hawshan loo hir gelin lahaa]ayuu
yidhi suldaanku
Kulankan ayaa Suldaanka lagu gudoonsiiey cajelad
filmi ka sheekaynaya marxaladihii hawshani soo
martay
Borama News Network
Hargeysa Office