Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Biyo Yaraan Ka Dhacday Magaalada Boorama

           (Updated:-Sun.4.May.2008)

Boorama(Bnn)Magaalada Boorama oo mudo sanado ah ka raysatay adeeg xumada biyaha, ka dib markii wakaaladii biyaha lagu wareejiyay shirkad ay leeyihiin ganacsato, ayay hadda soo food saartay biyo yaraan.

Shirkada ganacsatada oo la yidhaa SHABA, waxay si wanaagsan oo hufan u soo waday maamulka iyo balaadhinta biyaha magaalada, Shirkada SHABA hada waxay gacanta ku haysaa mudo 5 sano ah, mudadaas ay gacanta ku hayeen waxay iska xilsaareen in ay bulshada tusaan sida ay uga wanaagsan yihiin gacan ku hayntii dawlada, taas oo dadweynuhuna u markhaati fureen, ka dib markii ay waayeen biyo go'a iyo mashiin xumaada.

Hadaba Sanadkan 2008 wuxuu ugu bilaabmay shirkada SHABA mid cidhiidhi ah, isla markaana ceelashii ay gacanta ku hayeen mid ka mid ahi gudho, ceelasha ay gacanta ku hayeen ee kalana ay hoos u dhaceen biyahoodu, inta badan waxay sheegaan masuuliyiinta SHABA in uu ku yimid hoos u dhac xaga biyaha ah, ceelasha oo qodan 70 mtir iyo iyaga oo 4 ceel oo keliya gacanta ku haya, halka 4 ceel oo kalana ay haystaan dad beeralay ah iyo mid jaamacada Camuud waraabiya, dhamaanba 8 ceel waxa qoday companay laga lahaa wadanka China sanadihii 1987kii,

Dhanka kale magaalada Boorama ayaa lagu qiiyaasaa dadka ku nool magaalada gudaheeda iyo Agagaarkeeda 250kun - 300kun oo qof, wakhtigan lagu jiro oo abaar ah ayaa waxa magaalada ku soo aroora deegaano xoolalay ah oo ilaa 20km xaga galbeedka ka xiga oo ay Boorama ugu dhawdahay biyo.

Xaalku si kasta oo uu yahay waxa hada magaalada soo food saaray biyo yaraan aan hore loo arag, waxaanad dareemaysaa sida xaafadaha magaaladu ka tirsan tahay kolba xaafad loo sii daynayo biyaha, xaafad kalana laga xidhayo biyaha, dadka shacabka ah ayaa si weyn u dareemay waxayna is weydiinayaan waxa ku dhacay biyihii ay sida fiican sanadada u heli jireen ? shirkada SHABA ayaa laba bilood ka hor saxaafada u sheegtay in ay sahamin ceelal cusub iyo qiyaasba samaynayaan, si mustaqbalka dambe loogu fikiro sidii magaalada loogu heli lahaa biyo ku filan, balse inta badan waxaad dareemaysaa in doorkii dawlada dhexe iyo dawlada hoose ku lahayd adeega biyaha ee Borama ay ku koobanaatay cashuurta iyo boqolkiiba inta laga siiyo dakhliga soo gala shirkada SHABA, waxa kale oo aad la isku weydiinayaa sababta 4ta ceel ee dadka shacabka ah iska haystaan dawladu ugu wareejin weyday shirkada SHABA, taas oo ahayd mid ku jirtay heshiiskii ay kula wareegatay shirkadu adeega biyaha magaalada.

Hadii ay shirkadu heli lahayd in ay 4 ceel la wareegto waxa yaraan lahayd dhibaatada biyo yaraanta ah ee soo foodsaartay magaalada Boorama. Hadaba calaamad su'aal ayaa saaran sababta dad shacab ahi u haystaan ceelal ay dawladu leedahay oo loo qoday dadweynaha, waxayna bulshadu jawaab ka sugaysaa Dhanka dawlada ujeedada laga leeyahay in 3 ceel laga waraabiyo umad dhan oo kor u dhaaftay dhawr boqol oo kun, 4ta ceelna ay ka cabaan 4 beerood IWM ?

Shirkada SHABA ayaan weli qiimaha biyaha kor u qaadin mitir kuyuubkana siisa 6000 shilin oo u dhiganta hal doolar, qiimahaas oo weli dulsaar ugu jiro dhaqaale kabka jamaacada Camuud.


Awdalnews

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye