Boorama(Bnn)Xaflad loo soo
agaasimay si heer sare ah oo ay ku sabootinayeen
arday ka qalinjabisay ayay qabteen ardayda
dugsiga dhexe ee Al-Qudus ,taas oo aya ka
sooqaybgaleen dadwayne aad u tiro badan oo isugu
jira masuuliyiinta dawlada,
waalidiin,aqoonyahan,cuqaal,culimaa udiin iyo
hooyooyin isla marakaana ay halkaas hadalo
kajeediyeen ay ugu bogaadinayaan ardaytdaas gabdhaha
ah ee dhamaystirtay sanadkana fasalka sideedaad ee
dugsiga dhexe, kuwaas oo tiradoodu ka kooban tahay
91 arday oo gabdho kaliya ah.



Waxaa halkaas ugu horayn ka hadlay maamulaha
iskuulka Cali Cawaale Warsame oo aad u aamaanay
gabdhahaas ka qalin jabinaya dugsiga dhexe kuna
sheegay in ay ahaayeen gabdho dadaal badan oo u
qalma kaalinta waxbasho ee ay ka soo qaadeen dugsiga
Alqudus sanadihii ay dhiganayeen.

waxaa kale oo ka hadlay sheekh Xasan Deheeye oo ah
gudoomiyaha ururka Awdal Charity Society oo ay
iskuulkan iyo kuwo kaleba hoos yimaadaan waxaanu
sheegay kaalinta muhiimka ah ee ay gabadha aqoonta
lihi kaga jirto bulshada waxaanu aad ugu booriyey ka
soo qayb galayaasha xaflada in gabdhahooda ay wax
baraan waxaanu aad ugu mahad naqay maamulka iyo
macalimoonta iskuulkaas.

waxaa kale oo halkaas ka hadlay Axmed C/laahi Tallan
oo ah agaasimaha waxbarashada ee Awdal Charity oo
isna ka hadlay kaalinta waxbarsho ee dumarka waxaa
kale oo uu xusay dadaalka badan ee ay (AC) u gashay
sidii ay waxbarshada kor ugu qaadi lahayd.

waxaa halkaasi iyaguna ku masuuliyiionta dawlada oo
aad ugu mahad naqay maamulka iyo macalimiinta
iskuulka waxaa kale oo halaaksi ka hadlay
waalidiinta ardayda qaar ka mid ah oo qiray tayada
waxbarashada ee iskuulada hoose yimaada Awdal
Charity.

ardaydu waxa ay soo bandhigeen barnaamijyao kala
duwan oo madadaalo iyo suugaanba isugu jira waxaanay
abaal marino siiyeen dadkii iyo macalimiintii ka soo
qayb galay
Hassan Isse
Borama Bnn