Baydhabo(Bnn)Ra’iisal
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur
Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta maalintii labaad
hor-tegay baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka
jawaabay su’aalo badan oo ay Mudanayaal ka tirsan
Baarlamaanka weydiiyeen.
Su’aalaha la weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa
ka mid ahaa waxa ay Xukuumaddiisa ka qabatay
dhinacyada ammaanka, dib u heshiisiinta, sida loo
maamulay dhaqaalaha dowladda soo galay iyo sicir
bararka dalka ka jira ee ay sababta u tahay lacagaha
la daabaco.
Ra’iisal Wasaaraha oo la weydiiyay sababta keentay
in Dib u heshiisiinta ay Xukuumadda waddo lagu koobo
beesha uu ka soo jeedo, ayaa wuxuu sheegay in
Dhibaatada Soomaaliya meesha ay ka taagan tahay ay
tahay Magaalada Muqdisho, taasi oo sida uu yiri la
ogyahay cidda dhibaatada ka wadda.
Intii aanan la magacaabin Xukuumadda aad Ra’iisal
Wasaaraha ka tahay Dowladda waxay gacanta ku heysay
80% gobollada dalka, haddana gacanta kuma heyso
xitaa 2%, marka xukuumaddaada maxay ka qabatay
dhinaca ammaanka dalka ayay ahayd su’aal kale oo la
weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha “Markii Xukuumadda la
magacaabay Xamar ayaan tagnay, waxaana nagula soo
dhaweeyay 7 Madfac oo hoobiye ah, 5 Maalmodna waa
nalagu waday, marka taasi ma amni 80% ah ayaa la
dhihi karaa, haddii la dhihi karo waa su’aal meesha
ku jirta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo
intaas ku sii daray “Aad ayaan uga xumahay in wax
aad ku qaban weyseen seddex sanadood aad tiraahdaan
maxaad ugu qaban weysay seddex Bilood”.
Waxaa kale oo la weydiiyay Ra’iisal Wasaare Nuur
Cadde sida loo maamulo dhaqaalaha Dowladda soo gala,
wuxuuna sheegay in aysan weli dowladda helin
dhaqaale buuran, isla markaana dhaqaale yar oo ka
soo gala dhinaca Dekedda Muqdisho loo isticmaalo
mushaarka Ciidamada.
Lagama harine waxaa la sii su’aalay sababta loo
joojin waayay dhuxusha iyo dalagyada dalka ka soo
go’a ee Dekedaha Dalka laga dhoofiyo, wuxuuna isku
difaacay in Xukuumaddiisa ay muddo seddex bilood ah
joojisay in la dhoofiyo dalagyada dalka ka soo go’a
sida Galleyda, Digirta, Salbukada, Sisinta, Saliidda
iyo wixii kale ee dalka ka soo go’a.
Su’aal kale oo la weydiiyay Ra’iisal Wasaare Nuur
Cadde ayaa waxay ahayd waxa ay Xukuumaddiisa ka
qabatay sicir bararka dalka ka taagan ee ay dadka
Soomaaliyeed ka cabanayaan, kaasi oo salka ku haya
lacago been abuur ah oo la soo daabacay, wuxuuna
su’aashaas uga jawaabay in sicir bararka jira looga
bixi karo iyadoo ay Dowladda Federaalka soo sameyso
lacag cusub, isla markaana ay xareyso dhamaan
lacagaha been abuurka ah, inkastoo uusan xusin waqti
cayiman oo ay Dowladda lacagtaas soo sameyneyso.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa
markii uu su’aalahaas ka jawaabay waxaa uu u dhoofay
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu uga
sii amba bixi doono Dalal kale oo uu ka xusay Dalka
Masar.
HON