Hargeisa(Bnn)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mud.
Nuur Aamiin Ismaacil ayaa shaaca ka qaday in
xafladii wanqasha loogu samayn laha Gobolka Cusub ee
Gabiley la qaban doono marka uu dhammaado todobaadka
hore ee bishan May, 2008

"qabashada
xaflada dabaldega Gobolka gabiley oo muddo soo
jiitantay ayaa waxa sababay qalqalooc soo galay
qaabkii loo agaasimi laha"ayuu yidhi wasiirku, balse
hadda waxaan samaynay guddi ka koob 12 xubnood oo
lagu magaacabay shir ka dhacay guriga wasiirka
maalintii shalay , kuwaasi oo agaasimi doona
hanaanka xafladu u dhici doonto isla markana isku
dubaridi doonta Soo dhawaynta marti sharfta.

Wasiirku waxaa uu carabka ku dhuftay in aan mar
danbe laga cabsi qabin in dib u dhac kale ku yimaado
qabashada dabaaldega ,waxana uu xusay in hawl-
galkii lagu diyaarin laha la soo dhamaystiray.
Magacyada Xubnaha agaasimi doona xaflada loo qaban
doono wanqasha Gobolka Cusub ee Gabiley waxay yihiin.
1. Xuseen Cilmi Warsame :Gudoomiye
2. Ismaacil Idiris Mohamed: Xoghaye
3. Cumar xaaji Siciid :Xubin
4. Xuseen Xassan Gaboobe: Xubin
5. Ibraahim Carab :Xubin
6. Mohamed Odowaa :Xubin
7. C/raxmaan Farax Sugaal :Xubin
8. C/raxmaan Maxmaed Maal :Xubin
9. Cabdi C/laahi Riiraash :Xubin
10.Axmed Ibraahim Suldaan :Xubin
11.C/raxmaan Dheere (Optic) :Xubin
12.Cumar Xaaji :Xubin