Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Sheikh Shariif sheikh Axmed oo beeniyey in masar ay kahelaan wax hub ah

           (Updated:-Sun.4.May.2008)

Asmara(Bnn)Sheikh shariif sheikh Axmed oo ah guddoomiyaha sibahaysiga dib u xoreynta soomaaliya oo haatan ku sugan dalka masar ayaa beeniyey wararka sheegaya in isbahaysigooda ay ka helaan dalka masar hub .

Sheikh Shariif oo lahadlayey talevisoinka BBCda qeybta afka carabiga ayaa sheegay in dalka masar ay ka haystaan taageero siyaasadeed iyo mid maaliyad , balse aysan jirin wax hub ah ay ka helaan dalka masar.

Shariifka ayaa intaas ku daray in dalka masar uu yahay dal garab taagan shacabka soomalida , balse uusan ka shaqeyn isku hubeynta bulshada tabaalaysan eek u dhaqan soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyey sida uu arko duqeynta mareykanka uu ka geystay magaalada Dhuusa mareeb wuxuu sheegay in ay wax yeelaynayso sumcada mareykanka , balse aysan wax kabadelayn mowqifka soomaalida eek u aadan ladagaalanka gumaystaha iyo daba dhilifkiisa , waa suu hadalka u dhigayee.

Shariifka ayaa wax laga weydiiyey xiriirka u dhexeeya mareykanka iyo isbahaysiga uu madaxda u yahay, wuxuu uga jawaabay anaga mareykanka dagaal kulama jirno , balse wxaan dagaal kula jirnaa gumaysi soo jireen ah waa itoobiyee .

Shariifka ayaa ku ugu dambeyn baaq uu u soo jeediyey dalka masar in uu laba laabo dadaalka uu ugu jiro sidii la isugu keeni lahaa shacabka soomaalida .

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye