|
|
|
|
|
|
|
Boorama Oo Roobkii U Horeeyey
Ku DA,AY. |
|
|
|
(Updated:-Sun.4.May.2008) |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Boorama(Bnn)Waxa markii u
horaysay shalay galabtii ka da,ay magaalada Boorama
roobkii guga oo ay dadku naawilayeen bilihii u
dambeeyayba.
Roobkan Guga ayaa sanadkan dib uga dhacay wakhtigii
ay caadiyan dadku heli jireen oo arintaas oo keentay
inay biyo yaraan xoog lihi soo wajahdo magaalada
Boorama oo maalmihii u dambeeyay guri kasta laga
dareemay maadaama ay ceelasha biyaha laga soo saaraa
hoos u dheceen roob yaraanta awgeed, roobka shalay
oo magaalada biyo dhigay ayaanay dadweynuhu aad u
soo dhaweeyeen magaaladana waa uu biyo dhigay.
Deegaano kale oo gobolka ka tirsan ayaa iyagu
shalay[doraad] ay u curteen roobabkab gugu meelahaas
oo ay ka mid ahaayeen degmada Baki, deegaanka Dilla
iyo meelo ka mid ah degmooyinka xeebta.
Roobka oo ka mid ah nimcooyinka eebe ayaa markiiba
badalay jawigii cimilada oo uu ku beeray rays iyo
hawo degen oo neecow xambaarsan, waxaana khafiifay
kulaylka iyo hawadii huurka ahayd oo bishii u
dambeeyayba si weyn loo dareemay.
Cabdirahman Mahamed Habane
BOrama NEws NEtwork
Borama
|
|
|
|
|
|
|
|
|