Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Xirsi Cali X. Xasan oo iska casilay xubinimada Koomishanka Doorashooyinka

           (Updated:-Mon.5.May.2008)

Hargeysa (Bnn)- Gudoomiye kuxigeenkii Koomishanka Doorashooyinka ayaa xubinimadii koomishanka iska calisay kadib markii xubnaha koomishanka doorashooyinka qaranku ay ka qaadayn xilki gudoomiye kuxigeenimada.

Is casilaada Xirsi cali x. xasan oo ahaa xubin uusoo magacaabay xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa ka dambeysay kadib markii ay xubnaha guddida doorashooyinka qaranku xilka gudoomiye kuxigeenimad aka qadayn, iyagoo u cuskaday xeerk-hoosaadka koomishanka doorashooyinka.

xil ka qaadista Gudoomiye kuxigeenka ayaa timid kadib markii uu saxaafada dalka ku faafiyey qoraalo sheegaya in madaxweyne rayalae faro galin toosa ku hayo koomishanka isla markana aanaay dowladu bixin lacagtii ay ugu balan qaaday diiwaangalinta codbixiyaasha, isagoo intaa ku daray in madaxweyne Rayaale ay ula dhaqmi doonan gudoomiyaha xisbiga UDUB balse aanay ula dhaqmi doonin madaxweynaha Somaliland.

maanta markii guddida doorashooyinku xilka gudoomiyekuxigeenimada ka qaaday Xirsi Cali X. Xasan ayaa isna isla markiiba ku dhaqaaway inuu iska casilay gabi ahaanba xubinimada koomishanka doorashoyinka isagoo shegay inan xubnaha koomishanku u madax banaanay shaqadooda,

Borama News Network
Hargeysa Office

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye