Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Ma dhabaa inay Xukuumaddu ka Noqonayso Go’aankii Muddo Kordhinta Guurtida.

           (Updated:-Mon.5.May.2008)

Hargaysa (Bnn) Gudidii golaha wasiirada ee xukuumaddu u saartay xal u helida muranka siyaasadeed ayaa la sheegay inay maanta u soo jeedinayaan Madaxweynaha talooyin ku saabsan xal u helida ismariwaaga siyaasadeed, kadib markii ay shalay ilaa xalay kulmo isdabajoog ah ka yeesheen furdaaminta xaaladda Siyaasadeed ee dalka.

Sida warku sheegay xubnahan wasiirada ahi talooyinka ay soo jeedinayaan waxa ka mid ah in doorashadii madaxtinamadu dhacdo 31ka Diisambar sidii hore loogu heshiiyey, doorashada golaha deegaankuna dhacdo bisha April 6-deeda ee Sanadka dambe oo la soo hormariyo ta Madaxtinimada, Sidaana waxa sheegay warar lagu kalsoonyahay oo aanu xalay ka helnay illo ku dhodhow kulamadaasi, gaar ahaana dhinaca mucaaradka ah waxaanay intaa ku dareen in talooyinkani aanay ilaa hadda gaadhin Madaxweynaha.

Sida warku sheegay waxa kulankaasi lagu falanqeeyay wax yaabaha ka soo baxay qoraaladii garnaqsiga ahaa ee labada dhinac ee Xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradku u kala gudbiyeen gudoomiyaha Golaha wakiilada iyo hadaladii kulkululaa ee labada dhinac isku weydaarsadeen maalmahan warbaahinta oo qolo waliba ku adkaysanayso mawqifkeeda ay ka taagantahay xal u helida muranka aloosan.

Warku waxa uu intaa kuday in go’aanadii ka soo baxay kumadaasi ay xukuumadu yeelatay in maanta laga yaabo inay war sugan ka soo saarto, kaasoo dhalinkara in wax iska bedelaan mawqifkii kala durugsanaa ee labada dhinac, mase cada waxa ay ka yeeli doonaan arrintan xisbiyada Mucaaradka ahi.

Sida la sheegay kulan kale oo ka duwan kan xukuumadda ayaa xalay loo balansanaa inuudhexmaro madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyaha Golaha wakiilada cabdiraxmaan Cirro, balse wax war ah lagama soo saarin inuu kulankaasi qabsoomay iyo in kale.



Source:Waheen

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye