Hargeysa (Bnn)- Gudoomiye
kuxigeenka Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Md
Xirsi Cali X. Xasan ayaa maanta xilkii laga qaaday.
Guddida Doorashooyinka ooshir iskugu imid maanta
xaruntooda Dhexe ee Magaalada Hargeisa ayaa ku
gudoonsaday inay xilka ka qaadan gudoomiye
kuxigeenka, Warsaxafadeed aysoo saaray Guddida
Doorashooyinka ayaa u dhignaa sidan.
“Shir ay isugu yimaadeen xubnaha gudida komiishanka
qaranku maalintii sabtidii ay ee ay taariikhdu ahayd
3/5/2008Shirkaasi oo ku qabsoomay xarunta
komiishanka Qaranka ee Hargeysa waxa gudoominayey
Gudoomiyaha Komiishanka Waxaana lagu gorfeeyey aadna
looga dooday arrimo ku saabsan Gudoomiye Kuxigeenka
gudida doorashooyinka qaranka Md. Xirsi waxa lagu
eedeeyey inuu ku kacay falal gef ku ah wadashaqeynta
ka dhaxeysa komiishanka doorashooyinka qaranka,
isaga oo sameeyey tallo goosi u gaar ah oo aanay
gudida intooda kale ku waaqafsanayn, marar horena
looga digay, sida awgeed waxay gudidu go’aamiyeen
sidan hoos ku qoran:-
1. In laga qaado xilkii gudoomiye kuxigeenka
komiishanka doorashooyinka qaranka laga bilaabo
maanta oo ay taariikhdu tahay 4/5/2008
2. In digniin kamadanbeys ah loo jeediyo Md. Xirsi,
kaas oo ah inaanu mar kale ku kicin gefaf noocaas oo
kale oo ka dhan ah xeer-hoosaadka gudida
doorashooyinka.
Waxaanu halkan ugu sheegaynaa ummada Somaliland in
markasta inay naga go’an tahay gudi ahaan inaanu u
gudano xilka nalagu aaminay, oo aanu dhameystirno si
waafaqsan xeerka iyto shuruucda loo dhigay
diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka iyo
xeer-hoosaadkaba.
Waxa kale oo aanu u sheegaynaa ummada in meel hawli
ka socoto aan khaladaad laga waayeen, waxaase muhiim
ah in si wadajir ah markasta loo saxo oo la toosiyo
wixii khaldamay si loo gaadho himilooyinka uu
qaranku hiigsanayo.
Waxa markasta waajib ah in xubinkasta oo ka mid ah
gudida doorashooyinka qaranku inuu ku dhaqmo
xeer-hoosaadkooda si looga badbaado in lagu
dhex-milmo hawlaha Siyaasadeed ee dalka, lana
ilaaliyo dhexdhexaadnimada iyo dhowr sanaanta
gudidada doorashooyinka”
Borama News Network
Hargeysa Office