Oslo(Bnn) shir ay
isugu yimaadeen masuuliyiinta xisbiga Udub laanta
Norway ayaa shalay (03.05.08)ku qabsoomay magaalada
Oslo.
Qodobadii lagaga wada hadlay shirkaasi waxay
ahaayeen: waxqabadkii xafiiska, wada shaqeynta
xafiiska iyo xafiisyada kale ee yurub, xaalada
siyaasadeed ee dalkii iyo qorshaha waxqabasho ee
mustaqbalka.

Ismacil Cali Gud. Udub Norway iyo
Rashid Nuur Xoghayaha
Waxa hadalka furay mudane Ismacil Cali oo ah
Guddoomiyaha xisbiga ee laanta Norway iyo
guddoomiyaha waqooyiga yurub ee sanadkan. Waxaanu
ugu horeyn shirka siiyey warbixin iyo xog ku
saabsaneyd hawlaha xafiiska Norway. Waxaanu yidhi
shirkan ujeedadiisu waxa weeye in bal dib loo eego
wixii hawlo soo qabsoomay, laguna qiimeeyo isla
markaana lagaga tashado hawlaha mustaqbalka ee
laanta Norway, kuwa waqooyiga Yurub iyo guud ahaanba
hawlaha udub.
Waxaana weeye in la kordhiyo oo kor loo qaado
xidhiidhka waqooyiga Yurub iyo ka xafiiska dhexe ee
dalka dhexdiisa. Mar uu ka hadlayey waxyaabaha u
qorshaysan wuxu carabka ku dhuftay in laanta
xafiiska xisbiga ee Norway uu xoogga saari doono
sidii uu xidhiidh wax wada qabsi ula yeelan lahaa
Axsaabta dalka Norway si looga faa´iidaysto waaya
aragnimadooda dhan walba leh.
Waxa isna shirkaa masuuliyiintii ka qeyb gashay ka
mid ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway
mudane Maxamed M. Aadan ”Liilan” waxaana hadalkii uu
goobtaa ka yidhi ka mid ahaa: sharaf bay ii tahay
inaan ka soo qeyb galo shirkan anigoo ahaa
guddoomiyihii ugu horeeyey ee Udub ee Norway amaba
la odhan karo asaasayaashii laantan ayaanu ahayn,
maantana ah wakiilka Somaliland ee Norway. Dhanka
Guulaha wuxu sheegay in waxqabadka dawladu yahay wax
qabadkii xisbiga udub.
Isagoo tusaale u soo qaatay khudbadii madaxweynuhu
maalintii dhaweyd jeediyey inay ahayd khudbad bal-balaadhineysa
guulaha udub gaadhay ama dawladuba gaadhay. Taas oo
dhinacyo badan taabanaysay. Waxaanu yidhi haddaan
masalan u baxno dalka iyo dhameystirkiisa oo guulaha
ugu waaweyn ah ee ay udub tirsaneyso ah. waa iyadoo
goboladii Sool iyo Sanaag ay maanta yihiin gobolo
degan oo sida goboladeenii kale maanta u shaqeynaya.
Waa guul waayo qodobada marka dawlada la dhaliiilayo
lagu dhaliili jiray ayey kow ka ahaayeen.
Mar uu ka hadlayey xagga xidhiidhka caalamka wuxu
yidhi dawlada Mareykanka oo muddo toboba iyo toban
sanadood ah aynu laheyn waar adeer nala hadla. Nala
hadashii waynu isla soo dhaafnay oo way inoo
yimaadeen. Imikana waxaynu rajeynaynaa in xidhiidh
wanaagsani ina dhex maro oo noqon kara xagga masalan
dhulkeenu waa dhul istaraatiijiya caalamkoo dhan baa
u baahan. Waxaynu ku naalaa dhuuntii qul-qulka
saliida dunida iyo baayac mushtarigu marayey. Waa
inaynu si fiican u iibino oo maslaxad bay dunidu ku
socotaa ee dadka maslaxada inaga leh aynu inaguna
masaalixdeena ka dhameysanaa. Markaa waxan
rajeynayaa in mareykanku soo dego oo uu soo dhawaado
oo aynu xidhiidh toos ah wada yeelano.
Dhanka xafiiska wakiilnimo ee uu masuulka ka yahay
mar uu ka hadlayey wuxu yidhi xafiiska waxan
doonayaa in aan balaadhiyo oo shaqaale hawsha ila
wada qoro, kolkaa xubnihiina halkan fadhiyaa ka soo
qeybgala oo codsiyo soo qorta ayuu hadalkiisii ku
soo gaba-gabeeyey.
Waxa iyaguna shirkaa ka hadlay Maxamed Jaamac Benson
oo ah xoghayaha guud ee waqooyiga yurub iyo Rashiid
Nuur oo ah xoghaya laanta Norway. Iyagoo si baahsan
uga hadlay waxqabadka laanta xisbiga iyo sidii loo
wajihi lahaa hawlaha horyaal. Waxa goob joog ka ahaa
xubno kale oo qaarkood ahaayeen marti sharaf ka
socotay dalka swidhan. Shirkaasi wuxu ku soo xidhmay
oo la isku raacay qodobadan:
1. In kor loo qaado hawlaha udub ee laanta Norway
iyo guud ahaan waqooyiga yurub, isla markaana
xidhiidh joogta ah lala yeesho xafiiska dhexe ee
dalka.
2. Iyadoo imikaba xidhiidh lala leeyahay in la
kordhiyo xidhiidhka xisbiyada siyaasadeed ee dalka
Norway.
3. In la sameeyo waxa la yidhaah tele-conferens oo
xisbiga laamihiisa kala duwan ama gudaha ha noqoto
ama dibada ha noqotee bal ay furaan doodo lagaga
wada hadlayo ama fikrad la isku dhaafsanayo xaalada
udub gaar ahaan iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.
4. In bisha julaay ama ogoosto la isugu yimaado shir
waqooyiga yurub ah. Kaas oo ka dhici doona Norway.
Oslo
somaliland.no