Madaxtooyada Jamhuuriyadda
Somaliland
Warsaxaafadeed 04/05/08
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa
uu Maanta Wareegtooyin uu soo saaray ku Magacaabay
Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno Gobollada
Buuhoodle iyo Oodweyne.
Madaxweynuhu , isaga oo tix gelinaya qodobka 90-aad
ee dastuurka JSL iyo qodobka 110-aad, isla markaana
tix gelinaya baahida loo qabo in Gudoomiyayaal iyo
Gudoomiye ku xigeeno loo sameeyo Maamulada Gobollada
Buuhoodle iyo Oodweyne
Ismaaciil Maxamed Jaamac waxa loo magacaabay
Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle.
Xasan Cali Jaamac waxa loo magacaabay Gudoomiye ku
xigeenka Gobolka Buuhoodle.
Maxamed Cabdi Liibaan , waxa loo magacaabay
Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne.
Daahir Aadan Baxnaan Deeqsi , waxa loo magacaabay
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Oodweyne.
Sidaa daraadeed, iyada oo la tix gelinayo kartida ,
Aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee ay leeyihiin
shakhsiyaadkaa la magacaabay , waxa uu Madaxweynuhu
faray in laga bilaabo Maanta ay la wareegaan xilka
Jagooyinka loo magacaabay’’
Siciid Cadaani Mooge,
Af-hayeenka
Madaxtooyada Somaliland