Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Meles Zinaawi Iyo Ahmadu Ould Abdallah oo ka wada hadley arimaha Soomaaliya

           (Updated:-Mon.5.May.2008)

Addis Ababa (Bnn)Ra’isalwasaaraha Itoobiya iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Ahmadu Ould Abadallah ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga wadahadleen arimaha Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha dib u heshisiinta laga dhexwado dawlada KMG ah iyo Isbahaysiga la magac baxay dib u xoreynta Soomaaliya ee saldhigiisu yahay magaalada Casmara.

Afhayeen u hadley wasaarada arimaha dibada Itoobiya oo ka warbixinayey kulankii ay yeesheen Meles Zinawi & Ahamadu Ould Abdallah ayaa sheegay in Ra’isawasaaraha Itoobiya uu u sheegay Mr Abdallah in Itoobiya sii wadi doonto sida hadalka loo dhigaye dadaalkeeda ku aadan dib u soo celinta amaanka iyo deganaanshihii wadanka Soomaaliya.

Ra’islawasaaraha Itoobiya kulanka uu la qaatey wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu ku muujiyey in uu aaminsan yahay hanaanka dib u heshiisiinta Qaran ay ka dhalin doonto wadanka Soomaaliya nabad kama dambeys ah.

Ahmadu Ould Abdallah ayaa ku wargaliyey Meles Zinaawi in kulan nabadeed qaran oo ay isugu imaanayaan madaxda mucaaradka, hogaamiyeyaasha qabaa’ilka iyo dawlada KMG ah lagu qaban doono dalka Jabuuti.

Meles Zinaawi ayaa u sheegay Mr Ahamdu Ould Abdallah in dawladiisu ay karankeeda isugu geyn doonto taageerada ay u hayso gaaritaanka hanaan dib u heshiisiin Qaran.

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye