Muqdisho(Bnn)Mudaharaadyadii
Maanta ka socdey magaalada Muqdisho ee lagaga soo
Horjeeday lacagta kunka shilin ee duuga ah ee la
diiday ayaa Waxgaradka iyo Culimo Udiinka Magaalada
Muqdisho qaarkood waxay dadka kula hadleen barxada
weyn ee suuqa bakaaraha iyagoo sheegay in lacagta la
qaato islamarkaana ay ALLE subxaana Watacaala ay u
Noqdaan dadku .

Mid kamid ah Culimo Udiinka taageersan in shareecada
islaamka dalka lagu dhaqo oo diidey in magaciisa
shaaciyo ayaa dadweynaha u sheegay inay ka weyn
tahay Lacagta oo la diidaa arintani ,balse ay tahay
Mid Lagu diidan yahay kutubka ALLE islamrkaana ay
dadku Ogaadaan in loo diidan yahay in islaamnimada
taasna lagaga Gudbi karo ayuu yiri in sharciga
islaamka la taageero ilsmarkaana ALLE loo toobad
keeno .

Sidoo kale dadweynaha oo ahaa kuwo ay ka muuqanaysay
caro xoogan ayaa bur buriyey baabuur iy dukaamo
islamarkaana joojiyey Ganacsiga suuqyada caasimada
Muqdisho oo dhan gaar ahaan Suuqa bakaaraha iyadoo
waxgaradka iyo culimada qaarkood ku Boorinayeen
dadweynaha inay dhagaxa Joojiyaan islamrkaana ku
Dhawaaqaan ALLAAHU AKBAR

Dibad baxan oo ka duwanaa kuwii Hore uga dhici jiray
magaalada Muqdisho ayaa kusoo Beegmay xili ay
ganacsatada magaalada Muqdisho diideen Lacagta kunka
shilin ee Duuga ah isamarkaana ay hore magaalada
muqdisho uga jiren sicir barar iyo amaan xumi
isbiirsaday .
Boramanewsnetwork
(BNN)
Abdoulkarim Qamaan Ali
Kenya Nairobi