Hargeisa(Bnn)Wasiirka
Wasaarada Macdanta iyo Biyaha JSL Mudane Qaasim Sh.
Yuusuf Ibraahim oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee
Wasaaradaasi iyo khabiir ka tirsan Wasaarada , ayaa
galabta dalka dib ugu soo laabtay , ka dib markii ay
qayb galeen shir caalami ah oo lagu qabtay Dalka
Maraykanka.
Shirkan oo lagaga hadlayay arrimo la xidhidha
Shidaalka iyo
Macdanta .
Wasiirka oo markii uu madaarka ka soo degay u
waramayay Warbaahinta, ayaa sheegay in uu
socdaalkiisani qaatay muddo dhan 21 cisho , waxana
ay soo mareen dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya sida
uu Wasiirku sheegay.
‘’ Safarkayagu waxuu ahaa safar kooban oo
shaqo,bishii April 12keedii ayaanu dalka ka amba
baxnay Aniga,Agaasimaha guud iyo Khabiir la shaqeeya
Wasaarada,waxaanu sii marnay Addis Ababa oo aanu u
hoyanay habeen,waxaa kale oo aanu sii marnay
Magaalada London ka dib waxaanu u duulnay Cariga
Maraykanka oonu kaga qayb galayay shirsanadeed
Caalami ah oo lagu qabtay gobolka Taxes kaasi oo ay
ka qayb galaan Khubarada Batroolka iyo Dalalka
daneeya shidaalka iyo Macdanaha” ayuu yidhi Md
Qaasim.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay warbixin ku saabsan
Shidaalka Somaliland ay ka jeediyeen shirka.
Waheen