Tan iyo intii talada dalka uu
qabtay daahir Riyaale doorashadii madaxtooyada ee
2003dii ka dib waxa uu dagaal toos ah oo qaawan oo
dhinac walba leh af iyo addinba ku qaaday xisbiga
KULMIYE, taasoo aanu xisbga kulmiye marnaba ka bixin
jawabtii ku haboonayd ama uu xaqa u lahaa, isagoo
xeerinayey waxyaalo badan una arkayey inay jawaab
la’aantaa maslaxadi ku jirto.
Xukuumadda daahir riyaale waxa ay marwalba oo ilaa
xilligaa aan kor ku sheegnay ku simaan ilaa maanta
oo aynnu joogno si cadawtinimo ah ugu isticmaalaysey
cabudhinta iyo cadaadiska xisbiga kulmiye awoodda
dawladeed ee ay gacanta ku hayso.
Dhibaatada, dibindaabyada, iyo xad-gudubku waxay
yihiin kuwo saameeyey dhamaan bulshada reer
Somaliland, waxase intooda badan dhibaatadu gaar ugu
dhacdaa cidda loo tuhmo inay yihiin taageerayaasha
ama xubnaha xisbiga kulmiye.
Waxa taageerayaasha kulmiye xukuumaddu si qaawan
ugala dagaallantay dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga,
qandaraasyada, shaqada dawladda, hay’adaha caalamiga
ah, NGOyada maxalliga ah iyo meel kasta oo ay
nolosha ka raadsan lahaayeenba.
Dhaqamadani waxa ay ku khasbeen in badan oo umadda
ka mid ah in ay muujisan kari waayaan dareenkooda
siyaasadeed ee ay xaqa u leeyihiin,
Waxa markhaato madoon ah oo umaddu si cad u
ogtahay:
1. in 04/04/2005 xukuumaddu weerar ku qaadday
xarunta xisbiga kulmiye iyagoo aan dariiq sharci u
soo marin, oo raadinaya idaacad loogu sheegay inay
xaruntaas taallo oo kulmiye leeyahay, taasoo haddii
ay jiri lahaydba ay ahaan lahayd mid xisbigu xaq
dastuuri ah u leeyahay, oo in lagu weeraro iskaba
daayoo in laga horjoogsadaa ay xaraan tahay.
2. waxa xukuumaddu isku dayday inay xidho
xog-hayihii guud ee xisiga
Daa’uud Maxamed Geelle alla ha u naxariistee
04/04/2008.
3. waxa 2006dii madaxweynuhu shir jaraa’id oo
uu qabtay ku sheegay isagoo ku nuuxnuuxsanaya in
kulmiye yahay cadwoga gudaha ee Somaliland leedahay,
isla markaana ay yihiin qaran dumis.
4. waxa xukuumaddu guud ahaan gaar ahaanna
madaxtooyadu xuquuqdeedii muwaaddinnimo ka qaaa\dday
marwada guddoomiyaha xsibiga kulmiye Marwo Aamina
Sh.Kaddib markii ay ku guulaysatey imtixaan ay u
gashay jago ka bannaanayd hay’adda CARE
International, shaqadaasoo madaxtooyadu dhaar iyo
wacad ku martay inaanay
qabanayn ama hay’addu dalka ka baxayso, aakhirkiina
la siiyey nin sawaaxili ah oo ka mid ahaa dadkii
imtixaanka galay ee ay kaga guulaysatey.
5. waxa xukuumaddu sannadkii 2006dii si
sharciga aan waafaqsanayn u xidhay guddoomiyihii
xisiga ee gobolka Awdal.
6. waxa xukuumaddu weerar gelisey guriga
xubin ka mid ahayd guddida fulinta ee xisbiga iyadoo
doonaysey inay xidho sababo fekerkiisa la xidhiidha
dartood (Muuse Biixi)
7. waxa xukuumaddu si sharci darro ah xabsiga
u dhigtay muddana ay ugu haysatey xubin ka mid
guddida fulinta ee xisbiga ka mid ahayd (C/waaxid C/Qaadir
C/Raxmaan).
8. waxa xukuumaddu isku dayday inay xabsiga u
taxaabto masuul isna ka mid ah guddida fulinta ee
xisbiga kulmiye (Maxamed Kaahin Axmed).
9. 10/04/2008 waxa wasiirka arrimaha guduhu
C/laahi cirro warbaahinta
caalmaka iyo ta maxalliga ahba ka sheegay inuu
kulmiye ka danbeeyey qarax la sheegay inuu ka dhacay
guriga guurtida taasoo:
10. 10//4/2008 loo qabtay oday Deyr Maxamed Cilmi.
11. 12/04/2008na loo qabtay guddoomiyaha gobolka
maroodi jeex ee xisbiga kulmiye Axmed Cumar X.C/laahi
(xamarji).
12. 01/05/2008 waxa xukuumaddu si sharci darro ah
xabsiga ugutaxaabtay xubin ka mid ah golaga dhexe ee
xisbiga kulmiye ilaa haddana uu u xidhan yahay (Abshir
Xasan Xaashi).
Dhamaan dhacdooyinkani waa kuwo la wada ogayahay oo
Aan qarsoodi ahayn, mana jirto dhacdo keliya oo
xukuumaddu caddaysay, isla markaana mar jirto dhacdo
keliya oo maxkamad lagu horgeeyey ciddii lagu
eedeeyey, muwaadin walba marka muddo la haysto ee
xorriyaddiisii, karaamadiisii iyo tii xisbigiisaba
laga lumiyo ayaa lasyka soo daayaa.
Arrimahan aan kor ku soo sheegnay iyo qaar kaleba
waxa xisbiga kulmiye u arkyey ilaa haddana u arkaa
daan-daansi iyo falal cadowtinnimo oo loola
badheedhay, waxa kale oo Kulmiye u arkayey dagaal ay
xukuumaddu go’aamisey ama ay caddaysay oo nalagu soo
qaaday,
Xisbiga kulmiye waxa uu xukuumadda u soo jeedinayaa
in ay sii deyso xubnaha xisbiga ee gardarrada ugu
xudhan.
Xisbiga kulmiye waxa uu dhaleecaynayaa falalkaa
masuulyad darrada ah ee
xukuumaddu kula dhaqanto, waxaanu caddaynayaa inaanu
dulqaad danbe u yeelan doonin una adkaysan doonin
tallaabooyin danbe oo noocan ah.
AXMED MAXAMED SIILAANYO
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE