Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

 Jaamacadda Carabta oo guddi xaqiiqa raadin ah usoo direysa Djibouti iyo Eritrea.

           (Updated:-Tue.6.May.2008)

Jaamacada Arabta ayaa shalay go'aansatay in ay u dirto guddi xaqiiqa raadin ah xadka lagu muransan yahay ee u dhexeeya Djibouti iyo Ertrea si loo qiimeeyo xaaladda iyo si loogu soo diyaariyo warbixin Jaamacadda Carabta, iyada oo uu hogaaminayo howshaasi xoghayaha Arrimaha Siyaasada Jaamacada Carabta Safiir Ahamed Ben Hely.

Safiir Ahamed Ben Hely ayaa Axadii la soo dhaafay sheegay in " Golaha Amniga ee Jaamacada Carabta ansixiyeen codsiga Djibouti ee ku saabsan in loo soo diro guddi xaliya khilaafka u dhexeeya labada dal".

Goluhu waxa ay ka doodeen khilaafka u dhexeeya Djibouti iyo Eritrea kullankoodii ugu horeeyey heer ergo. waa Siduu hadalka u dhigaye,

Ben Hely ayaa shaaca ka qaaday in uu la kulmi doono safiirada ka socda labada dal si loo baaro hababka loo qaboojin lahaa dareenka iyo in laga hortago in uu si deg deg ah u balaarto khilaafka.

"Goluhu ayaa ugu baaqay in Djibouti iyo Eritrea in ay xakameeyaan arrinta xuduuda iyo in la raadiyo sidii qaab nabadeed loogu xalin lahaa" ayuu hoosta ka xariiqay safiirka

Golaha ammaanka ee Jaamacadda Carabta ayaa muujiyey in loo baahan yahay in la ixtiraamo xeerarka deris wanaaga ee u dhexeeya labada dal, inaan lagu sameyn wax is bedel ah xuduudii jirtay xilligii xoriyadda iyo in la ixtiraamo midnimada iyo xuduud wadaaga.

Goluhu ayaa sidoo kale ka codsaday xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Amir Mussa in uu la xiriiro garabyada ay khuseydo arrintan , Gudoomiyaha Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika si loo adkeeyo ammaanka ka dhexeeya carabta iyo afrikanka.

Arrintan ayaa waxa ay kusoo beegmaysa xilli uu soo cusboonaaday khilaaf xuduudeedka u dhexeeya labada dal Djibouti iyo Eritrea.

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye