BNN(Paris)Madaxweynaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo
shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Faransiiska
Nicolas Sarkozy ayaa intii uu kulankaas socday waxaa
uu ka codsaday Dowladda Faransiiska in ay Dowladda
Federaalka siiso kaalmo mileteri, si loo xasiliyo
dalka Soomaaliya oo muddo 2 sano ku dhow xasilooni
la’aan ku jira.
Madaxweyne Yuusuf ayaa sidoo kale waxaa uu ka
codsaday Dowladda Faransiiska in ay gacan ka geysato
sidii wax looga qaban lahaa kooxaha Burcad Badeedka
ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, isagoo soo
dhaweeyay in Lix Nin oo Burcad Badeed ah oo dhawaan
laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya lagu maxkamadeeyo
Dalka Faransiiska.
Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay waxa ka jira
warar ay faafiyeen qaar ka mid ah Saxaafadda
Faransiiska oo ku saabsanaa in Burcad Badeedka la
soo qabtay ay dhamaantood ka soo jeedaan Beeshiisa,
waxaa uu yiri “Aan isku reer ahaano ama yeynan
ahaanin, aniga waa isugu key mid, mana kala jecli,
waxaana soo dhaweynayaa in dembiga ay galeen lagu
maxkameeyo, lana mariyo wixii ay sharciga hortiisa
ka helaan”.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo kulankaas kadib
saxafiyiin kula hadlayay magaalada Paris ee dalka
Faransiiska ayaa wuxuu sheegay in uu Dowladda
Faransiiska weydiistay in ay ka kaalmeyso sugidda
Ammaanka Badda iyo Berriga Soomaaliya, wuxuuna
rajeeyay in Dowladda Faransiiska ay codsigiisa
jawaab ka bixin doonto.
Laakin Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Bernad
Kouchner ayaa sheegay in ay Dowladdiisa siineyso
Soomaaliya taageero dhinaca Logistic-kada ah iyo mid
ku saabsan dhinaca la-dagaalanka Burcad Badeedka,
isagoo dhinaca kalena sheegay in ay Dowladda
Faransiiska tababar ku siisay Dalka Burundi ilaa
2,000 oo Askari, isla markaana ay u gudbisay
Soomaaliya oo ay haatan ka howlgelayaan.
Dowladda Faransiiska ayaa dhawaan waxay Qaramada
Midoobay u gudbisay Qaraar ay ku dalbaneyso in wax
laga qabto Burcad Badeedka ka dilaacay Xeebaha
Soomaaliya, iyadoo qaraarkaasina ay gudbisay kadib
markii Ciidamada Badda Faransiiska ay Xeebaha
Soomaaliya ka soo qabteen Kooxo Burcad Badeed ah oo
qafaashay Doon ay saarnaayeen Dalxiisayaal u dhashay
Faransiiska, kuwaasi oo lix ka mid ah haatan lagu
maxkamadeynayo Dalka Faransiiska.
Source.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online