Sweden(BNN) Warbixin maanta
soo gaadhay saylac.com ayey qurbojooga somaliland ee
degan wadanka Sweden waxay ku shegeen inay qadar
lacag ah oo dhan $5000 shan kun oo doolar ay u
direen sanduuqa gargaarka dadkii duufaanada ku
tabaaloobay gobolka Awdal.
Qurbojooga Somaliland ee wadanka sweden oo ay
horseed u yihiin bulshada degan Magaalada Linkoping
ayaa shaaca ka qaaday inay lacagtan maanta dhigeen
Dahabshil si ay u ugu daraan lacagta kale ee
sanduuqa horey ugu jirtey si loogu iibiyo xoolihii
dadkaa loogu balan qaaday.
Sidoo kale Jaaliyada somaliland ee iyaguna ku dhaqan
magaalo madaxda dalka Sweden ayaa iyaguna ka qayb
qaatey deeqda dadkaa walaalaheena ee dhibta roobabku
u geysteen oo ilaa hadda waxtarka loo geystey uu
kooban yahay.
Dhinaca kale dadka bixiyey deeqihii hore ayaa
shabakada saylac.com iyagu si joogta ah usoo
weydiiya su'aalo ku saabsan sida loo maamulay
lacagooyinkii hore balse arinkaasi uu yahay mid ay
ka gaabiyeen gudigii loo xilsaaray inay dadka u soo
bandhigaan siday deeqahaas u gaadhsiiyeen dadkii
loogu tala galay, isla markaana ilaa hadda looga
fadhiyo inay dadweynaha jecel inay dadkooda
caawiyaan ayna niyad jabin ee ay soo bandhigaan
xisaab cad oo muujinaysa siday wax u maamuleen .
Lacagta maanta ay direen Jaaliyada Somaliland ee
Sweden ayaa iyadu in mudo ahba uu gacanta ku hayey
masuul degan dalka sweden oo ka tirsan qubojooga
reer Somaliland oo u dhashay gobolka Awdal. Lacagtan
oo urrurinteeda la dhamays tiray mudo hore ayaa waxa
ay in mudo ahba iska taalay wadanka sweden,
Hadaba si aanu dadka ugu cadayno sababta keentey
inay lacagtani ka raagto lacagihii hore ayaa
shabakada saylac.com oo alaaba ah shabakad u
dhuundaloosha isku xidhka qurbojooga somaliland iyo
mashaariicda soo wajaha siday iskaga kaashan
lahaayeen ayaa waxay weydiisay xubno ka tirsan
masuuliyiinta lacagta ururinayey sababta ay ilaa
hada u haysteen lacagta . waxayna ugu jawaabeen ka
dib markii shiki weyni soo wajahay mashruucan
taageerada dadka loogu ururinayo inay raadsheen sida
ugu haboon ee lacagtan loo gaadhsiin karo wadankii
isla markaana ay la xidhiidheen qaar ka mida gudiga
lacagta masuuliyadeeda qaadey ayna ugu balan qaadeen
inay maaliyadan ku dari doonaan maaliyadii hore isla
markaana xoolo ugu iibin doonaan dadkii barakacay .
Dhinaca kale Gudigan maanta lacagaha diray ayaa
saylac.com u xaqiijiyey inay ka hor intayna dirin
lacagaha maanta ay dhigeen dahabshiil ay shuruudo
buuxa la galeen Gudiga Boorama fadhigoodu yahay
shuruudahaas oo ah inay wax cadaynaya inay dadkaas
dhibaateysan gaadhsiiyeen lacagtaa ay soo diraan
soona gaadhsiiyaan dadkii diray ee Qurbojooga ree
Somaliland ee Sweden.
Masuulka lacagtan isagu gacantiisa ku diray ayaa
saylac.com u sheegay inuu telefoon kula hadlay
gudiga gargaarka ee masuuliyada maaliyadan qaaday
uuna kala hadlay inay si degdega usagsoo warbixiyaan
deeqahan iyo siday u bixiyeen
Saylac.com waxa kale oo ay idiin soo gudbin doontaa
wadamo dhawra oo iyaguna ku hawlo jira ururinta
dhaqaalaha dadka lagu kabayo iyo waliba wakhtiyada
ay diri doonaan lacagaha dhiman iyagoo wadamado
dhawr ahi ay ka warsugayaan hadba sida warbixin cad
looga siiyo lacagihii hore ee muranku ka dhashay .
.
Gudiga hawlwadeenada gargaarka dadka ku tabaaloobay
roobabka ayaa waxay horey u fuliyeen inay
gaadhsiiyaan raashino gargaar degdega dhulka lagu
barakacay haye yeeshee aan la ogayn qadarka lacagta
ah ee ku baxay raashinada ay shegeen inay
gaadhsiiyeen dadka barakacay.
Lacagta maanta la diray ayaa waxay kusoo beegantay
wakhti ay muran iyo shiki ay soo wajahday lacagooyin
horey loo diray oo qadarkooda lagu qiyaasay $85,000
Source..
Saylac.com