Sida eey sheegayaan warar
goordhaweyd nasoo gaaray, Khaliif Daahir Macalin
Wali, oo 30 kii April rag la sheegay in Soomaali
burcad ah eey dhaawaceen ayaa la sheegayaa in uu u
geeriyoodey dhaawicii gaaray maanta.
Isbitaalka weyn ee Livingtone, oo uu khaliid daahir
ku jirey ayaa galinkii dambe ee Isniintii ugu
geeriyoodey dhaawac xabad ah oo soo gaaray, xilli
eey dhac u geeysanayeen rag Soomaali ah oo
burcadnimo lagu yaqaano.
Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa xaqiijiyey geerida
Khaliif, jaaliyada Soomaaliyeed ayaa aad oga
murugeeysan falka dhacay, ee naxdinta leh, ee waliba
ay geysteen rag Soomaaliyeed.
Raggii Khaliif gaarsiiyey dhaawac uu galabta u
dhintey ayaa Isniintii lasoo taagay maxakamada
Humansdorp, ee gobolka Eastern Cape, hase yeeshee
dib loogu celiyey xabsiga, dacwaduna eey hakeedii
kasii socon doontaa.
Waxaa la filayaa in galka dacwada ragaasi loo heysto
lagu kordhiyo qodob dheeri ah oo dil ah, halka
markii hore loo heystey qodobyo oo kala ah, dhaca
iyo dhaawac iyo heysashada hub aana sharci lahayn.
Qodobka dheeriga ah waxa uu noqon doonaa mid
dacwadooda sii adkeeya, isla markaasina hoos u dhiga
suurtagalnimada in ciqaab fudud eey maraan.
Dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee xubnaha jaaliyada oo
falkani aad oga xun ayaa tacsiyo u diraya eheladii
iyo qaraabadii uu Khaliif ka geeriyoodey, waxayna u
balan qaadayaan in eey taageero doonaan ka mirro
dhalinta dacwada ragaasi, oo eey xittaa suurogal
tahay in la’is hortaago dadaal kasta oo laga yaabo
in garyaqaano loogu qabto si eey banaanka ugu soo
baxaan.
Aaska wiilka ayaa dhacay 24 saac gudahood sida eey
qabto diinta islaamka, waxaana loo badinayaa in uu
barri dhaco, laguna xabaali doono qabuuraha malarbo
ee magaalada Port Elisaberth.
4 nin Soomaaliyeed oo Isniintii maxamada oga
bilaabatay dalka K/Afrika
4 nin oo Soomaaliyeed oo lasoo taagayo maxkamad ku
taala dalka K/Afrika , kadib markii eey dhac iyo
dhaawac u geysteen nin Soomaaliyeed.
.Ciidanka Police-ka dalka K/Afrika oo ku jooga
kolonyo baabuur ah, oo ay dul haadayeen dayuuradaha
qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaano, isla
maraasina ku howl galayay raxan eeyo ah oo tababaran,
iskaashina ka heleya xubnaha maamulka Jaaliyada
Soomaaliyeed, ayaa goor habeen ah gacanta kusoo
dhigey koox Burcad Soomaaliyeed oo dhac iyo dhaawac
u geysatay nin ganacsade Soomaaliyeed ah. Maanta
ayaa maxkamad lasoo taagayaa, waxaanan ka waraysanay
Muxuyudiin Nuur oo SASA ka tirsan.
Mudane Muxuyudiin Nuur waa madaxa maaliyada iyo
maareyta jaaliyada ee Soomaaliyeed ee gobolka
Eastern Cape, waxa uu ka mid ahaa xubnihii madaxda
jaaliyada ee ka qeybgalay soo qabashadii layaabka
lahayd ee rag burcad Soomaaliyeed ah oo dhac iyo
dhaawac u geeysatay Nin Soomaali ah oo hadda
isbitaal ku jirra, wuxuu nooga sheekeeyey sida wax u
dhaceen oo uu xog ogaal u ahaa, isla markaasina goob
joog ka ahaa.
“Nimanka Burcada waa kuwa gobolka oo dhan laga
yaqaano, waxa eey habeenkii ku hoydeen dukaan nin
ganacsade Soomaaliyeed uu leeyahay oo ku yaala
tuulada Humansdorp, bastoolado ayay ku qabteen
ninkii dukaanka lahaa, waxa eey ka dhaceen lacag
baddan iyo kaararka lagu hadlo, markii eey dukaanka
kasii baxayeena garabka ayay ka toogteen, kadibna
waa eey baxsadeen”. Ayuu yiri Muxuyudiin Nuur ,
“markiiba warkii ayaa nasoo gaaray, waxaan xariir la
sameeynay ciidamada Police-ka gobolka oo aan
leenahay xariir wadahsaqayn dhow , waxaana eey nagu
soo dareen kolonyo baabuur ah oo illaa 40 gaaraysa,
iyo labbo dayuuradood oo Helicopters ah, waxay
wateen raxan eeyo ah, tuuladii ayaan tagnay oo badda
u dhow, waxaanan ku raad joogsanay ragii baxsaday,
midkood ayaa xeebta ku cararay, oo dhagax hoostiisa
ku dhuuntey, waan arki weeyney, balse dayuurad
Helicopterka ayaa naf ku ifisey kadib eeyo ayaa loo
direy , weeyna soo qabteen, ninkii wuxuu noo
horkacay kooxdii la socotay oo guri u firaashan ku
qayileysa, waa uu u garaacay, iyagiina waa la qabtay”.
Ayuu yiri Muxuyudiin (qofka sawirkiisa dusha ma
muuqda” oo ii xog waramayay.
Intii lagu guda jirey baacsashada raga, waxaa
dhacday in raggii Soomaalida ahaa ee meesha kusoo
orday, in baabuurkiisa laga dhex heley qori sharci
darro ah , isagiina eey Policeku qabteen, balse dib
laga ogaaday in qorigu uu ahaa mid ka dhacay
tuugadii baxsatay.
Dhamaantood Isniintii waxaa lasoo taagayaa maxkamad
ku taala Humansdorp oo u dhow magaalada P.E.
Dhanka kale sida uu ii sheegey wariye madax banaan
oo fadhigiisu yahay P.E oo lagu magacaabo Ismaaciil
Turki, in raga maxkamada lasoo taagayo eeysan aheyn
kuwa ku cusub falalka dhaca ah, wuxuu sheegey in
habeen ka hor eey sidoo kale dhac u geysteen
ganacsade kale oo soomaaliyeed oo macmacaan ku leh
farasmagaalada P.E, kaasoo xili habeen goor dambe ah
ka codsaday in eey u dhaweeyaan gurigiisa, balse
nasiib darro eey inta bastoolad madax ka saareen ka
dhaceen wixii uu watay, Wariye Ismaaciil Turki, ayaa
intaasi raaciyey in mid ka mid ah raga uu sidoo kale
sanad ka hor dhac ka geystey dukaan nin Soomaaliyeed
uu leeyahay oo uu habeen ku hoydey.
Waa markii ugu horeysey oo eey sidani oo kale usoo
shaacbaxdo fal ceykan oo kale ah, oo rag Soomaali ah
eey dhac iyo dhibaato u geystaan Soomaali kale,
waxaana jirta in kiiskani eey si weyn wax oga qortey
saxaafada dalkani.
Jaaliyada iyo Soomaalida dalkani ayaa cambaareysay
falkani waxayna ku tilmaameen fal ku tuntey
sharaftii Soomaalida eey dalkani la lahayd.
C/Naasir Saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com
Source SomaliTalk.com | May 6, 2008