Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

UDUB oo U Sacaba Tuntay, UCID oo Soo Dhaweysay iyo KULMIYE oo Ka Yabaalay Hindisaha Dhexdhexaadinta Cabdiraxmaan Cirro

           (Updated:-Tue.6.May.2008)

Hargaysa (BNN) Xisbiyada UDUB iyo UCID ayaa la sheegay inay u soo dhaweeyeen hindisaha dhexdhexaadinta ee uu u gudbiyey gudoomiyaha Golaha wakiiladu Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), halka la sheegay in xisbiga KULMIYE ka yabaalay ama aanu ku qancin hindisahan oo ka kooban laba qodob oo kala ah:

- In muddo kordhintii Golaha Guurtidu ay waafaqsantahay shuruucda dalka

- Iyo in dib loo dhigo mudo lix todobaad ah mudada ay ku qabsoomayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada, ku waas oo markii hore lagui heshiiyey in la qabto bilaha Oktoobar iyo Diisambar ee Sanadkan, balse haatan noqonaya bilaha Nofembar dabayaaqadeeda iyo badhtamaha Febarwari.

Sida warku sheegay hindisahan ayuu Md. Cirro u gudbiyey Xisbiyada sadxda ah, kuwaas ka soo baaraandegay qodobada hindisahan, kadibna jawaabo ka bixiyey, iyadoo UCID iyo UDUB aqbaleen soo jeedintan, halka xisbiga KULMIYE shirar ka yeesheen arrintan shalay illaa xalay balse laga soo wariyey inay fahmi waayeen nuxurka qodobada hindisaha una arkeen inuu yahay kuwo ka hor imanaya heshiiskii hore loo gaadhay sidaadarteedna aanay jawaab sax ah ka bixinin mawqifkooda ku waajahan hindisahan iyo ogolaanshaha labada xisbi ee kale.

Sida la sheegay waxa iyaguna dhinacooda ku qancay hindisahan deeqbixiyayaasha Somaliland ka taageeraya hawlaha Doorashooyinka, kuwaas oo sida la sheegay xubin ka mid ah shalay dalka ka ambabaxay kadib markii hindisahan ay isla qaateen labada Xisbi (UDUB iyo UCID), Komishanka Doorashooyinka iyo Deeqbixiyayaashu, islamarkaana ay ku qanceen qaabka loo soo agaasimay hindisahan oo meel dhexe isugu keenaya dhinacyadii muranku ka dhex aloosnaa mudooyinkan dambe, meeshana ay ka baxday werwerkii ay ka qabeen in muranku sababo qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

Dhinaca kale, Sida la sheegay gudoomiye Cirro waxa uu xalay la kulmay Gudidii wasiirada ee loo xilsaaray ka qaybgalka hawlaha dhexdhexaadinta iyo wadahadalada dhinacyada ku muransan siyaasada iyo qabshada doorashooyinka, waxaana la sheegay inay isla eegayeen hindisahan uu soo bandhigay gudoomiyuhu iyo mawqifka xukuumadda ee kuwaajahan arrintan, waxaana qorshuhu yahay in xaflad lagu soo bandhigayo heshiiskan dhawaan la qabto.

Waxa kale oo wararku sheegeen in xalay xisbiga KULMIYE uu waday dhaqdhaqaaq xoogleh oo ku saabsan sidii uu u sii jiri lahaa isbahaysigii ay la lahaayeen UCID mudooyinkan, iyagoo dadaal ugu jiray sidii ay ula kulmi lahaayeen masuuliyiinta UCID balse sida la sheegay KULMIYE kumay guulaysan inay ku qanciyaan UCID diidmada hindisahan, iyadoo Gudoomiyaha UCID uu ku adkaystay inuu aqbalay hindishan dhexdhexaadinta ee Cabdiraxmaan Cirro, isagoo gudoomiyuhu waraysi aanu Cadadkii hore la yeelanay ku sheegay inaanu heshiiska iyaga iyo KULMIYE wada galeen ahayn Quraan ee uu aqbalayo hadii uu arko xal dhexdhexaad ah.

Arrintani hadii sidan ay u hirgasho waxay meesha ka saaraysaa baqdintii ay dadweynuhu ka qabeen xiisad ka dhalata muranka siyaasadeed, gaar ahaana marka la gaadho bishan May 15 keeda oo ah maalinta ay mucaaradku ku adkaysanayeen inay dhamaatay mudadii Madaxweyne Rayaale xilka haynayey.

Source:waaheen

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye