Boorama (Bnn)Mayor ku
xigeenka degmada Saylac Cismaan Muumin Caarre ayaa
beeniyay isla markaana sheegay inaanu wax lug ah ku
lahayn war ay baahiyeen qaar ka mid ah website yada
gobolka, maqaalkaas oo ay mayor ku xigeenka ku
xidhiidhiyeen inuu ku lug lahaa xubno reer Saylac ah
iyo xildhibaano ay ka wada tirsan yihiin golaha
deegaanka Saylac.
Mayor ku xigeenka oo isaga oo jooga magaalada Saylac
khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa sheegay
in laga fidinayo been abuur oo aanu waxba ka ogayn
qoraalka ku soo baxay website yada, oo uu isagu ka
warhelay markii uu ula soo galay xildhibaan ay ka
wada tirsan yihiin golaha deegaanka"nin
xildhibaanadayada ka tirsan ayaa qoraal uu sito iila
soo galay markaasaana iigu horaysay waana been abuur
dacwad baanan booliska u gudbiyay si sharciga loo
horkeeno cidii talaabadan ka dambaysay, qoraalkan oo
markii hore ku soo baxay website ka Lughaya, dad baa
intay ka soo saareen oo ay magacaygii raaciyeen u
diray websiteyo kale, xildhibaankan ayan ka rabaa
inuu cadeeyo meesha uu ka keenay iyo cidii ka
dambaysay"
Maqaalka uu beeninayo mayor ku xigeenka Saylac ayaa
ka waramayay loolan ka taagan cida noqon doonta
gudoomiyaha gobolka Salal iyada oo lagu soo qaaday
beelo ay ka mid yihiin Abrayn[samaroon],Bahabar
Celi[samaroon],Bahabar Muuse[samaroon] iyo beesha
Ciise
oo qoraalkaa lagu sheegay in midkastaaba cuskanayso
qodobo iyo taariikho ay ku andacoonayaan in loogu
tixgaliyo ama ay xaq u leeyihiin in la siiyo
badhasaabka gobolka Salal, waxa kale oo qoraalkaa
lagu xusay magacyada laba xubnood oo lagu sifeeyay
kuwa ugu dhaw in loo magacaabo gudoomiyaha Salal.
Cabdiraxmaan Maxamed Habane
borama boramanews.com