Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Kulan lagu aas aasayo dalad ay ku midoobaan ururada ku hawlan waxbarashada dadban

      (Wes.7.May.2008)

Boorama(Bnn)Aqoon iswaydaarsi Ujeedadiisu tahay sidii loo aas aasi lahaa urur ama shabakad isku xidha hayadaha aan dawliga ahayn ee ka hawlgala waxbarashada dadban ee gobolada Awdal iyo Salal ayaa shalay ka furmay xarunta waxbarashada G/awdal.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay 45 ururada Ngo yada ah iyo dugsiyada aan dawliga ahayn[Non Formal Education Actors] kuwaas 3o ka mid ahi ka yimaadeen magaalada gudeheeda halka 15 ka kale ay ka yihiin deegaanada ka baxsan magaalada Boorama.

Aqoon iswaydaarsigan waxaa soo diyaarisay hayada Unisef waxaana fulinaya ururka dhalinyarada ee Ayoda.

Munaasabadii furitaanka oo uu xidhiidhinayay gudoomiye ku xigeenka waxbarashada Gobolka C./raxmaan Saleebaan Xasan ayaa makarafoonka ku wareejiyay gudoonka waxbarashada G/awdal Prof Daahir Maxamuud Xaddi oo isagu si rasmi ah u furay isaga oo ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay ka faaiidaystaan mudada sadexda maalmood ah ee kulankani u socon doono isla markaana ay soo saaraan urur midaynaya oo hopgaankiisa ay isku raacsan yihiin si uu u noqdo barkulan loogu soo hagaago waxbarashada dadban oo lala xisaabtami karo meeshana ka saara kala qaybsanaantii iyo tafaraaruqii hore uga muuqday.Waxa kale oo iyadauna halkaas ka hadashay Safiya Jibriil oo ka socotay hayada Unicef.


Cabdiraxmaan Maxamed Habane
borama boramanews.com

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye