Sunday, 26 August 2018 17:32

XILALKA CUSUB EE KHAYRE MAGACAABAY IYO SHAQSI LA FILAAYAY INUU KASOO DHEXMUUQDO OO LAGA WAAYAY!

KHYY

Marka hore waxan salaamayaa bahda booramanews. marka xigta waxan maanta rabaa inaan ra'yigayga ka dhiibto xaalada siyaasadeed ee soomaaliya gaar ahaan xilalkii udanbeeyay ee ay magacawday dawlada fadaraalka soomaaliya. dhawaan ayay xukuumada soomaaliya magacawday xilal kala duwan oo dhinaca ciidamada ah. sidoo kale ayaa haddana waxa la magacaabay maanta xilal agaasime wasaaradeed ah. haddaba waxa jiray siyaasiyiin da'yar oo si wayn loo filaayay in ay kasoo dhexmuuqdaan xilalka cusub ee la magacaabay, balse laga dhexwaayay liiska magacaabista, iyada oo aan ilaa hadda la garanaynin sababta keentay.


Masuuliyiinta la filaayay inay ka dhexmuuqdaan xilalkan cusub ayaa waxa kamid ah Dr. Ahmed Miicaad oo kamid ahaa musharixiintii utartantay golaha wasiirada soomaaliya intii uusan raysalwasaare khayre ku dhawaaqin golihiisa wasiirada, balse culays kaga yimid xildhibaanada beeshiisa ee kujira golaha barlamaanka awgeed kasoo dhexmuuqan waayay golaha wasiirada. sidoo kale Dr. Ahmed Miicaad wuxuu tartan ugalay kamid noqoshada agaasimayaasha wasaaradaha dawlada soomaaliya oo ay dawlada fadaraalku inta ay soo xayaysiisay kadibna la waayay meel ay ku danbaysay, ugu danbayntii waatan aynu aragnay in raysalwasaare khayre uu magacaabay qaar kamid ah agaasimayaashii balse uusan kasoo dhexmuuqan Dr. Ahmed Miicaad. Dr. Ahmed Miicaad ayaa ah taageerayaasha firfircoon ee xukuumada nabad iyo nolol ee ay hogaamiyaan madaxwayne farmaajo iyo raysalwasaare xasan cali khayre, lamana oga halka ay ku danbayn doonto taageerada Dr. Ahmed Miicaad maadaama soomaalidu ay caan ku tahay marka ay xukuumada ka waayaan xilqaran in ay dhaliilaan ama ay mucaarad ku noqdaan.Mahad YuusufDr. ahmed mead <This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.;

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree