Print this page
Friday, 14 September 2018 00:21

Tacsi Marxuum Jaamac Nuur Xasan

download
Anigoo ku hadlaaya magaca shaqaalaha Baanka Dhexe, waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabta iyo ehelka Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa oo maanta lagu aasay Hargeysa 13/09/2018, si gaar ah inankiisa Maxamed oo Maamule ka ah Laanta seddexaad ee Baanka Dhexe, Hargeysa. Alle ha u naxariisto qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa Fardawsta sare Marxuum Jaamac Nuur .Qoyska ,Asxaabta, Qaraabada iyo Ehelkana ha waafajiyo samir iyo duco.Aamiin Aamiin Aamiin
Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa Waxa uu Ka mid ahaa Ganacsatadii Ka Qeyb Qaadatey Doorka Dhismaha Somaliland Nabadaynta Dib u heshiisiinta iyo Halgankii SNM Waxa uu Ku Dhashey Sanadii 1945kii  Degmada Tog-Wajaale Waxaanu kamid ahaa Ganacsatadii ka hanaqaadey Tog-Wajaale iyo Alleybadey Sanadihii Toddobaatanaadkii, Ganacsigii Xoolaha iyo Bucsharadaha kala duwan isagoo isla Sanadahaa usoo Wareegay Caasimada Hargeysa oo uu Kamid noqdey Ganacsatadii ugu Dhaqdhaqaaqa Roonaa. Waxa uu Doorkiisa Odeynimo iyo Doorkiisa Dhaqaale kaalin Mug iyo Miisaan leh kaga soo qeyb qaadatey Halgankii Dib u Xoreynta ee SNM oo uu naf iyo Muruq iyo Maalba u hurey, Waxaanu Kamid ahaa Odoyaashii Bud-dhiga u ahaa taageeradii  Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley  dhammaan Doorashooyinkii kala Duwanaa ee dalka kasoo.
 
Axmad Carwo
 
 
 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree