Saturday, 15 September 2018 14:13

Hab-dhaqanka Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo Isbedelka Gobolka (Warbixin)

Qoraal ay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya soo saareen ayey ku codsadeen in la helo cid dhex-dhexaadiso iyaga iyo dowladda Federaalka ah, kaddibna damaanad qaadda wixii lagu heshiiyo, waxaa dheeraa in ammaanka Muqdisho aan la isku halleyn Karin oo ay tahay in laga wada hadlo halka kulanku ka dhacayo.
 Warbixintan ayaan ku eegeynaa cidda damaanad-qaadka sameyn karta, halka ay maamulladdu ku daaban yihiin iyo waxa dhici kara haddii Federaalku go’aankiisa ku adkeysto.
Doorashooyinka Madaxda Dowlad Goboleedyada
Inta badan dowlad goboleedyada waxaa ku soo fool-leh doorashooyin aan la sii saadaalin karin cidda ku soo baxeysa, sidaa darteed waxa ay u muuqataa in ay waayeen taageerada dowladda federaalka, sidaa darteed ay qabaan walwal ah in ay xilalkooda waayaan.
Jowhar.com ayaa fahansan in cadaadiska ay madaxda dowlad goboleedyadu saarayaan federaalka ay kaga gol leeyihiin jaritaanka xiriirka Muqdisho, si ay isaga moosaan saameynta federaalku ku yeelan karo doorashooyinka gobolladooda ama in ay helaan damaanad ah in ay dib u soo laabtaan.
Labada arrimoodba waa mid dib fursad u siineysa madaxda dowlad-goboleedyada, dhanka kalana hoos u dhigeysa kaalinta hoggaamineed ee Federaalka saameynna ku yeelaneysa doorshada sanadka 2020.
Isbedelka Gobolka kumaa ka faa’iday?
Dowladda Itoobiya iyo Urur Goboleedka IGAD oo kaalinta ugu weyn ku lahaa federaalnimada Soomaaliya, si gaar ahna u ilaalin jiray waxaa ku dhacay isbedel weyn oo ku faafay gebi ahaan mandiqadda Geeska Afrika, Isbedelkan oo Soomaaliya ay qeyb ka noqotay waxa uu yareeyay faragelinta dowladaha deriska ah ee arrimaha Soomaaliya.
Itoobiya waxaa ciidamo ka joogaan inta badan dowlad goboleedyada, taasoo u sahashay in ay saameyn weyn ku yeelato go’aannadooda siyaasadeed, balse isbedelka ka dhacay Itoobiya ayaa wax badan ka bedelay siyaasaddeeda arrimaha dibadda iyo ciidanka Soomaaliya ka jooga, taas oo madaxda maamul goboleedayda walwal siyaasadeed ku abuurtay.
Maamullada Jubbaland iyo K/Galbeed ayaa horay waxa ay ka shidaal qaadanayeen maamulkii Itoobiya, iyadoo loo soo marayay ciidanka qeybta ka ah AMISOM ee Itoobiya, balse siyaasadda Abiy Axmed ayaa durbaba laga dareemay inuu xiriir toos ah la yeeshay Muqdisho, farahana kala baxay siyaasadda gudaha Soomaaliya.
Kenya iyo Jubaland
Kenya oo xurguf siyaasadeed kala dhaxeysay dowladdii Xassan Sheekh, isla markaana dooneysay sugidda xadka ay Soomaaliya la wadaagto ayaa la aaminsan yahay in ay sabab u aheyd dhismaha maamulka Jubaland, sidaas darteed Axmed Madoobe waxaa uu garab ka helayay Kenya mar walba oo ay Federaalka isku dhacaan, balse doorashadii 8-da Febraayo 2017 kaddib, Kenya waxa ay xiriir dhow la yeelatay Madaxweyne Farmaajo, taasoo kala shaki gelisay wada shaqeyntii kala dhaxeysay Jubaland.
Madaxweynaha uu xilligiisa sii dhamaanayo ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxa uu dhowr jeer sanadkaan gudihiisa booqday Itoobiya balse lama uusan kulmin mas’uuliyiinta xisbiga talada dalkaasi haaya.
Kaalinta AMISOM
Maamullada Federaalka ah ee koofurta waxaa ammaankooda gacanta ku haya ciidamo ka socdo howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ku sugan ciidama ka tirsan kuwa xoogga dalka oo muddooyinkii ugu dambeeyay aad loo diyaariyay.
Labada talis ee AMISOM iyo Xoogga dalka waxa ay si toos ah uga amar qaataan dowladda Federaalka, taas oo meesha ka saareysa suurtaganimada ah in uu isku dhac hubeysan uu khilaafku dhaliyo sida dadka qaar ee siyaasadda falanqeeya ku doodayaan.
Isbedlka xooggan ee geeska Afrika ka socda oo saameeyay siyaasadda dalalka ayaa la fahansanyahay in uu sidoo kale saameeyay mabaadi’da taliska AMISOM, taas oo yareysay awoodda maamul goboleedyada siyaasad ahaan.
Damaanad-Qaad
Marka la isku geeyo hadalkii ugu dambeeyay ee uu wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsanaa Micheal keating uu ka jeedayay Newyork, kama muuqan ifafaalo lagu soo farageliyo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dowladaha gobolka, hase yeeshee mowqifka madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku saleysan in aysan waxba ku qasaareynin dagaal kasta oo ay Federaalka la galaan xilligan oo foodda nagu soo heyso ugu yaraan saddex doorasho oo ka dhacaya maamullada.
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree