Thursday, 08 November 2018 16:33

BURBURKA QOYSKA

Marka hore allah ayay mahad & amaan oo idil u sugnaatay Allahaa soo shey kasta ka abuuray lab iyo dhidig Si ay Cibro qaadasho & waano noogu noqoto.
Hadaba allaah insaanka wuxuu ka Sameeyey labo qebood oo kala ah.
1-Ruuxda (Nafta)
2-Jirka
jirkana waxaa ugu muhiimsan Maskaxda (caqliga) taas oo ah meesha jirka kala hagta.
Hadaba allaah waxaa uu abuuray Insaanka waxaa ugu horeeyey Abunaa Aadam CSW Intaa ka dib ayuu allaah Hooyadeen Xawwaa uu ka abuuray Jirka Aadam qeyb ka Mid ah (Feyr).
Hadaba allaah SW Caabuditaankiisa waxaa uu ku xiray In waalidka loo ixsaan falo loona  mahad celiyo Ayadoon mid gaar ah la fadilin (Sharfin), balse Hooyada Qiimaheeda waa mid weyn maxaa yeelay Waa qofka 9 iyo Sadkeeda Caloosha kusoo siday Oo hilibkeedana ka soo goay, Dhib iyo xanuuno fara badan ka soo martay,lkn Markuu dhasho Ubadka Hooyada waxay u baahaneesaa Iney hesho Aabo la barbaariyaa Ubadka yar Si uu u helo Nolol iyo tarbiyad wanaagsan dhan walbaa Jismi ahaan iyo Maskaxba  Si halkaas uu uga soo baxo Jiil wanaagsan oo karti leh Waalidkoodana Anfaca Umadana Anfaca Markeey waalidka Weynaadaanna oo ay da' Noqdaan ay ugu nastaan Ubadkooda.
Hadaba Hooyada Iyo Aabaha Sideey Muhiim ugu Yihiin Ubadkooda iney Siiyaan Waqti Dadaal badan Islana koriyaan wada tarbiyeeyaan  inta ay yaryihiin ilaa ay ka gaaraayaan  ugu badnaan 15 Sano  Tusaale ahaan Waa Sida: -
Labada Lugood ay iskugu baahanyihiin.
Labada Gacmood ay iskugu baahanyihiin.
Labada indhood ay iskugu baahanyihiin.
Labada dhagood ay iskugu baahanyihiin.
Sidoo kale Hooyada iyo Aabaha Qiimahooda waa Sidan:-
Hooyada waa sida Jirkaaga oo kale.
Aabaha waa Sida Ruuxda (Naftaada) oo kale.
Hooyada waa Sida Qalbigaga(Wadnahaaga) o kale.
Aabahana Waa Sida Maskaxdada oo kale(Moral).
Hadaba hadii uu Ubadka waayo labadaas Mid kamid ah  inta badan Wuxuu Noqdaa Mid aan dhameestirneyn  (Maskax ahaan iyo Tarbiyad Moral ba) Marka Laga reebo Xaalada gaar ah  Sida  Anbiyada, Saalixiinta (Awliyada) Iyo Agoonta Haday Helaan Mid U Damqada oo U Noqda Sida Usha oo kale Taasoo uu  Cuskado qofka Langaraha (Jiiska)Ah.
Hadaba Markaad Fiiriso Farqiga u dhaxeeeya labada Ubad Ee Midna Labadiisa waaalid ay Waqti Siiyeen oo ay wada korsadeen Wada tarrbiyeesteen iyo Kan dayska Ah ee Aan helin Jaaniskaas Waxaad Ka Arkeysaa Waqtiga Hada aan ku Noolnahay Sida uu yahay Wadcigiisa iyo xaaladiisa Soomaalidana waxay dhahaan Qofka dhibka badan ee xishood iyo akhlaakh Toona aan lahayn inuu yahay mid Garac (Wecel)Ah Ama Ubad  Aaba la an ah.
Hadalkaasna Wuxuu ku tusinaayaa Qiimaha uu Aabaha U leeyahay Ubadka.
Hadaba haddii Uu aabihii ama hooyadii Is Guursaday labadooda ama Mid kamid ah Uuba Soo Helin Aabo iyo Hooyo Waqti Siiya Oo Halmeel kuwada Nool,.
Maxaa laga filan karaa Iney U sameeyaan Ubadkooda Ay dhaleen ama ay dhali Doonaan? ?
Maxaa Sababay in Midkasta uu Xaaladiisa iyo dantiisa Gaar ka ah uu ka hormariyo Tan Caruurtiisa Iyo Reerkiisa??
Maxaa Keenay inuu Aabaha ama Hooyada Carurtii ay dhaleen Si fudud Kaga dhaqaaqaan Haba u badnaadee Aabaha??
Ogoow Marwalba Reerka wey Is qabtaan Lkn Wey kala Rooonyihiin Hadii Uu abaha Xumaado Oo ay Hooyada Wanagsantahay Caruurtaasi intabadan Wey ka bad baadaan iney Kala Fogaadaan Labada waalid Lkn Haddii ay Hooyadu Noqoto Sida Aabayaasha Qaar oo kale Taasi Waxay keentaa In Jiilkaasi U noqdo mid Ku bar baara Nolol Ka duwan Tan kuwa kale ee helay Nolasha Labadooda Waalid.
Hadaba Maxaa talo ah? ?
Sidee Lagu helaa Ubad iyo Jiil wanaagsan?
Maxaa sababay Bur burka Qoyska?
Yeey dan iyo faa iido ugu jirtaa Kala taga reeerka?
XAL se Ma loo heli karaa Arinkaasi??
Hadaba Walal keyga & Walaasheyda Sharafta lahooe Bal Isku day Inaad Fahanto Jawaabta Saxda ah ee Su'aalahaasi.
Aniga ahaan Hadaan isku dayo fikirkeyga oo jawaab Guud ka bixiyo Sida lagu helaa Reer wanaagsan  waxay ika tahay:-
Marka Koowad allaah SW La tasho Intaadan guurasan Marka labaad Waalidkaaga La tasho Marka Sedexaad Iska Fiiri Qofka aad Dooraneysid Akhlaakhdiisa (Diintiisa) iyo Nasabkiisa( Ehelkiisa) Taasna waa Muhiim, Maxaa yeelay Hadiiba uu ka soo jeedo Reer(Hooyadi iyo Aabihii) aan wanaagsanayn ,Ama Uusan Soo helin Tarbiyad wanaagsan Wey adagtahay Qofkaasi Inuu Noqdaa Waalid Wax tarbiyeeya.
Tan Afaraad Waa in Markaad guursato aa Awooda Saartaa inaad wax walba oo wanaag ah aad gurigaaga la jeclaataa Kala saartaa Xaqa Waalidkaaga iyo kan Reerkaaga.
Qodobka  shanaad ee u dambeeyaa waa inaad Iska ilaalisaa Xiisaha Maalmaha hore kaliya ku eg isku day inaad mar walbaa reerkaaga u qadarisaa si isku mid ah una duceysaa  Marwalbo Sidoo kale Noqotaa Qof Sabra oo Naxariis leh dhibkana la qeebsadaa reerkiisa.
Runtii Way Adagtahay Sida loo helaa Arinkaani Lkn qofka Inta uusan Guursanin waqti ayuu heesta Waa in uu Ka fiirsadaa uusana ku dagdagin ilaa uu ka Xaqiiqsanaayo .
Hadaba Haddiii intaa la helo  Waxaa xaqiiqo ah in dhibaatada ay intaa ka yaraaneyso oo la heli karo jiil ka wanaagsan kan hada jira insha allaah.
W/Q/ Dahir Bin haaj
kala-xiriir/This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree