Tuesday, 05 March 2019 02:33

MUSUQMAASUQA IYO WAHAABIYADA , ISBAHAYSI AAN BARAKAYSNAYN .. By : Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi

Waxaa dhammaan culimmada arrimaha bulshadu isku raaceen in horumarka bulshada,xasilloonida
siyaasadda iyo guud ahaan qummaati u socodka bulshadu uu si toos ah ugu xiran yahay heerka
musuqmaasuqa ee dal.Dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah waxay ku kala duwan yihiin heerka
xakamaynta musuqmaasuqa,lagamana yaabo in bulsho saboolnimo iyo rafaad ka baxdo iyadoon
musuqmaasuqa xakamayn.Dalalka Ayslaand(Iceland) iyo Singapore oo ah laba dal oo aan lahayn
khayraad badan oo dabiici ah waxay xagga nolosha iyo hodantinnimada dunida uga jiraan meesha
ugu sarraysa,sababtuna waa musuqmaasuqa oo ay la dagaallameen ilaa heer ciribtir ku
dhow.Dhinaca kale dalalka Afrika waxaa halakeeyey musuqmaasuq inkastoo ay kheyraadka dabiiciga
ah hodan ka yihiin.Dalkeennu meesha uu kaga jiro qiimaynta musuqmaasuqu waa wax laga
yaxyaxo,waana tan keentay inaynnu qaxooti kuwada noqonno gude iyo dibedba.Qofkii soomaali ah
oo ay dani ka hayso dalkiisa iyo dadkiisa oo ka gubanaya dhibaatada ina haysata waa inuu mawqif
cad ka qaataa musuqmaasuqa.Waxaa laga yaabaa in la is weydiiyo maxaa qofka caadiga ahi arrintan
ka qaban karaa.Waa suaal meesha ku jirta,laakiin waxaa mudan inaan la illaawin in madaxdu ay
dadka ka dhasheen.Haddii bulshadu u aragto musuqmaasuqa wax xun oo la mid ah tuugnimada iyo
falalka kasii daran, waxaa hubaal ah in musuqmaasuqu yaraan lahaa,qofka musuqmaasuqa
samaynayaana la dhuuman lahaa.Bulshadeenna,nasiib xumo waa lagu faanaa boobka iyo wax isdaba
marinta,taasoo keentay inaan lala dhuuman waayo dadka ayaa aqbalay .Musuqmaasuqa maamulka
waxaa ugu waaweyn;
1)Xatooyada hantida loo dhan yahay oo qof masuul ahi boobo
2)Laaluushka oo lagu xiro adeegyada bulshada,ama lagu kasbado waxaan qofku xaq u lahayn.
3)Eexda oo qabyaaladdu hoos timaaddo
Dhibaatada musuqmaasuqu waa ka daran tahay dagaallada iyo aafooyinka dabiiciga ahba,mana jiro
dhibaato bulsho ku faafta oo ka darani.Musuqmaasuqu wuxuu horseedayaa inaan wax u qabsoomin
dalka,akhlaaqda dadka oo gebi ahaanba xumaata,waxbarashada iyo aqoonta oo aan qiime lahayn iyo
is naceyb bulshada dhex gala.Dhinaca kale haddii bulsho ku guulaysato inay xakamayso
musuqmaasuqa waxaa miraha la arkayaa si dhaqso leh oo u eg mucjiso.Haddii mid ka mid ah dawlad
goboleedyada dalku arrintan xoog saarto waxaa hubaal ah in muddo gaaban uu gobolkaasi ku
noqonayo kan ugu fiican dalka.Waxaa kordhaya nabadda,maalgashiga iyo dhammaan kaabayaasha
dhaqaalaha oo si degdega u kobcaya,dadkuna shaqo ayey helayaan dawladduna canshuur.Dadku
canshuurta bixinteeda dhib u arki mayaan markay ogyihiin in iyaga wax loogu qabanayo.
Dalalka adduunka ugu musuqmaasuqa badani waa muslimiin,taasina waa mid khasbaysa in la is
weyddiiyo sababta iyo meesha wax iska daba marsan yihiin.Islaamku waa diidayaa khayaano iyo wax
isdabamaris,boob iyo dulmi.Quraankuna dawladnimada laba shardi buu siiyey oo ah wadatashi iyo
caddaalad.Wadatashiga(Shuuraa) waxaa la dhexgeliyey salaadda iyo zakada taasoo tusinaysa
waajibnimadiisa(Alshuuraa 38).Intaa wixii ka badan iyo sida wadatashiga loo agaasimayo dadka ayaa
loo daayey maadaama islaamku yahay diin loogu talagalay dadkoo dhan meelkasta iyo waqti
kasta.Markii nebigu(NNK)dhintay waxaa talada la wareegay Abuubakar Alsiddiiq oo dood badan ka
dib la isku raacay inuu noqdo hoggaamiye.Wacyiga siyaasadeed ee markaa jirey iyo xaaladda dhaqan-
dhaqaale ee bulshadii carbeed waqtigaa waxay doorashadaasi ahayd mid hufan,doorashadii labadii
khaliif ee ku xigeyna khilaaf badani kama dhalan.Laakiin in hoggaamiyuhu awood buuxda
yeesho,siduu doonana u maamulo dhaqaalaha iyo magacaabidda guddoomiye goboleedyada iyo
jagooyinka kaleba waxay ahayd waxaan is weydiin lahayn.Dunida deriska la ahayd dhammantood
waxaa xukumay boqorro aan hadal lagusoo celin.Awooddaasi xad dhaafka ah waxay ahayd tay
muslimiintu ku garaadsadeen.4tii khaliif ee hore waxa jirey Alle ka cabsi iyo dareen in hantida dadku

wada leeyahay, markiise Umawiyiintu xukunka la wareegtay waxay u arkayeen inay tahay hanti iyagu
leeyihiin,dadka kula muransanina inay ka kacsadaan bay rabeen ee ma dhaliilsanayn maaraynta
Umawiyiinta.Cabbaasiyiintu raadkii Umawiyiinta ayey mareen haddaysan ka darraynba.Boqorkii
cabbaasiga ahaa ee labaad Abuu Jacfar Almansuur waxaa laga weriyey inuu dadka maalin carrafo ugu
khudbeeyey hadal uu ka mid ahaa;War dadow waxaan ahay suldaankii Alle dhulkiisa,waxaan idinku
maamuli tawfiiqdiisa iyo toosintiisa.Kayd-hayehiisa baan ahay,waxaanan wax ku qaybin
dooniddiisa,waxaanan ku bixin idankiisa.Quful buu iiga dhigay,hadduu rabo wuu I furin,hadduu
rabana waa i xirin….Hadalku meeshuu u dhacayaa waa in qofkii ka horyimaada xukunkiisa uu Alle ka
horyimid,wuxuu sameeyana Alle sameeyey!Qolo kasta oo diin xukun ku raadsataana sidaas bay Alle
isaga hormarin.Dhammaadkii waqtigii Umawiyiinta iyo bilowgii Cabbaasiyiinta waxaa bilowday xilliga
la diiwaan geliyey fiqiga mad-habadaha,la uruuriyey axaadiista ,xeerarka fiqigana la
dhidbay.Culimmadu way ogeyd inaysan ka hadli Karin xukunka kii naftiisa nacay mooyee.Heshiis aan
qornayn buu noqday in culimmadu waxay rabaan oo kale ka doodaan laakiin aysan siyaasadda
faragelin.Marar badan fatwooyinka madaxdu rabto ayaa shaar diineed loo gelin jiray.Axaadiis
nebiga(NNK)afka loogu tiray oo qabiil ama qoys xukunka siiyey,qolo kalena u diiday,ama dardaaran
inaan madaxda laga hor imaan wax kastoo ay sameeyaanna waa la weriyey.Taasaa keentay in
weesada laga qoray kutub waaweyn oo badan,laakiin siyaasadda aan fiqiga lagu darin.
Wahaabiyadu(Salafiyadu)markay ka hadlayso dawlad islaami ah waxay ka hadlaysaa mid u eg tii
Cabbaasiyiinta iyo Umawiyiinta oo uu nin siduu doono ka yeelo dalkoo idil.Shardiga keliya ay ku
xirayaan waa in la fuliyo xuduudda sida iyagu u arkaan in ay sax tahay,iyaguna xukunka qabtaan
maadaama aysan cid kale muslim u aqoonsaneyn.Taasina waa musuqmaasuq shaar diineed loo
gelyey,sida Almansuur.
Taariikhdu horay bay usocotaa ee gadaal uma socoto,waana sunnada Alle ku abuuray
dunida.Dawladihii Cabbaasiyiintu waa ka liiteen kuwa ugu xun ee maanta jira,in haddana la higsado
iyadoo weliba diin laga dhigayo waa doqonnimo iyo diin la,aan wada socda.Sababaha keenay in
muslimiintu ugu musuqmaasuq badan yihiin dunida waxay u badan tahay sababtaas ah in culimmadii
ugu waaweyneyd ee mad-habaduhu sida Shaafici iyo raggii waqtigiisii ay aqbaleen madax
musuqmaasuqa,culimmada islaamkuna intooda badani ma garan in adduunku is beddelay,intooda
badanina ma laha aqoon dhaafsan fiqiga la xafidsiiyey.Sidaa awgeed waa dhif inaad maqasho wadaad
dhaleecaynaya boobka xoolaha masaakiinta oo agoon badani ku jirto.Ma jiro haba yaraatee xoolo ka
xun oo la boobo kuwa dadka ka dhexeeya diin ahaan,mana jiro dambi ka dhibaato badan
musuqmaasuqa guud ahaan.
Wahaabiyada hubaysan waxay kaloo meesha ka saartay in lala xisaabtamo madaxda dalalka
muslimiinta ah waayo cadaadiska dadka iyo boobka hantida waxay sabab uga dhigayaan la dagaallan
argagixiso,waana dhab in hanti badan la geliyo la dagaallankooda.Dawladahaas musuqmaasuqa ahi
dhanka kale dan bay u yihiin wahaabiyada waayo waxay wahaabiyadu dadka kusoo jiitaan xumaanta
madaxdaas.Labada qolo waa isu baahan yihiin oo mid kastaa kan kale kama maarmo.Haddii
wahaabiyadu dagaalka joojiyaan madaxda muslimiinta waa lagusoo jeensan.Haddii madax fiican la
helana wahaabiyadu heli meyso waxay dhallinyarada ku duufsato.Gaashaanbuurtaas habaaran ayaa
dalalkii muslimiinta ka dhigay meel laga qaxo ama silic loogu noolaado.
Dalkeenna 30kii sano ee uu ahaa dal is-haysta waxaa musuqmaasuqu ugu yaraa sannadadii u
dhexeeyey 1970-1975,waana waqtiga waxa ugu badani u qabsoomeen dalka.Dhismaha
jidadka,tiyaatarrada,dekedaha,qoriddii afka,tababarkii bareyaasha dugsiyada
hoose,dhexe,sare,tallaalkii carruurta,habayntii jaamacadaha iyo mac-hadyada sare , badbaadintii
dadkii abaaruhu naafeeyeen 1974 iyo waxyaabo kale oo badan.

Haddaynnu rabno inaynnu dhibaatada ka baxno,dunidana wax la qaybsanno waa inaynnu dhammaan
la dagaallannaa musuqmaasuqa.Waa inaynnu ku taageernaa madaxda cudurkan kasoo horjeedda af
iyo addin,dhaleeco iyo ceebaynna kala hortagnaa qof kasta oo aynnu ku tuhunno.
Musuqmaasuqu waa cudurka inaka hortaagan inaynnu noqonno dad isku filan oo dunida sharaf ku
leh,madaxda keliyihina wax kama qaban karto.Dagaal la mid ah kii gobannimo doonka waa in lagu
qaadaa waayo waa gumeysi qarsoon oo foolxun.
Wa Billaahi Tawfiiq

Q:Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree