Wednesday, 03 April 2019 00:01

BOQOL {100} JIDGOOYO OO KU SOO BIIRTEY NOLOSHA CUSUB EE MUQDISHO, XAALADDA MAGAALADA OO NOQOTEY INTA MAAN-KA-BAXAA MEEL ALLA!

poplo
 
Quruxdii ay laheyd ayaa mar kaliya haadey, isbadal xun oo aan la jecleysan ayaa yimid, xiisihii magaalada loo qabey ayaa lumay, jid kasta waa la gooyay, luuq walba waxaa la dhigay carro, biro iyo dhagxaan waa-weyn, naftu kuma siinayso in aad soo dhaafto gurigaaga xaaladda cusub oo Muqdisho la galiyay awgeed.
Muuqaal ahaan wejiga cusub ee Magaalada yeelatay waxba kama duwana wajigii ay laheyd xilligii Dagaalada Sokeeye, inkastoo Muqdisho oo dhan laga dareemayo cirirriga ayaa haddana waxaa ugu sii daran is-goysyada Mariino, Sanca, Afarta Jardiino, Florensa, Hawl-wadaag,Bakaaraha, Kasa bal-balaare, Tarabuunka, Banaadir iyo Wadajir, kuwaasi oo la dhigay dhagxaan lagu kala gooyay muqdisho!
La yaab ayay shacbiga ku noqotey xaaladda la galiyay Magaalooda, cabasho xoog badan ayaa laga muujiyay, nasiib daro ayaa lagu tilmaamay halkii Muqdisho laga xasilin lahaa in go’doon cusub la sii galiyo xilli ay nagu soo food leedahay bishii Ramadaan.
Bootadii, is waalkii, faankii iyo sheekadii aheyd Muqdisho waxaan ka dhigaynaa caasimad amnigeeda la isku haleyn karo ayaa la moodaa in lagu hungoobay, nolosha Muqdisho wey sii adkaan doontaa haddii ay sii socoto xayiraada lagu soo rogay, sidaan si ma-aha ee Allow ummaddaada sidaan uga soo roonaaw!
 
Sh Xasan
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree