Wednesday, 12 December 2018 00:27

Somalia’s president dodges impeachment move

Jawar Maxamed oo  ku nool magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa ka hadlay doorkii Dowladihii Ethiopia ku lahaayeen Faragelinta Somalia iyo Isbedelka Siyaasadeed ee haatan ka hanaqaaday dalka Ethiopia.
Aqoonyahankaasi oo ah Agaasimaha Fulinta ee Shabakadda Wararka ee Oromia Media Network waxa uu Barta uu ku leeyahay Twitter-ka kaga hadlay  Heshiiskii Is-fahamka ee dhex maray Madaxda dalalka Somali,a Ethiopia iyo Eritrea.
 Waxa uu xusay inaysan Hoggaamiyayaasha ku heshiinin inay la isku daro dalalkooda, si ay u noqdaan Hal Waddan.
 Waxa kale oo uu sheegay  inay Madaxdaasi isku af-garteen inay yeeshaan  Iskaashi dhow ee dhinacyada Dhaqaalaha iyo Ammaanka.
Dhinaca kale,  waxa uu ku eedeeyey in Maamulkii Weyane (Tigreega) horey u maalgeliyeen wax aan qiimo lahayn, balse aysan Wayame mar kale u soo laaban doonin si ay u taageeraan Deganaansho La’aanta Somalia.
 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree