Saturday, 13 August 2016 04:21

Taliyaha Ciidamada Somaliland Shaqale Ma Waxaa Uu Bilaabay Inqilaabkii Turkiga Ee Dhicisoobay Oo Kale Maxuu Saraakisha Bariga Burco U Xidhxidhayaa Ee Qabyaalada Qaawan Ugu Kacay??

Taliyaha Ciidama Qaranka Somaliland Shaqale Ma Waxaa Uu Bilaabay Inqilaabkii Turkiga Ee Dhicisoobay Oo Kale Maxuu Saraakisha Bariga Burco U Xidhxidhayaa Ee Qabyaalada Qaawan Ugu Kacay??
AFG"Taliyaha Ciidamada qaranka JSL shaqale ayaa bilaabay arimo ku cusub ciidamada qaranka iyo dawladnimada waxaanu ku kacay falal ku lid ah qaranimada somaliland isagoo si  badheedh ah oo qabayaalad fool xun oo aan geed laysugu soo toosin u xidhay sarkaal ka soo jeeda beesha bariga burco Mujaahid faarax faqash oo kamid ahaa ragii dalkan ka xoreeyay cadawgii somaliya."
Sarkaalkan ayaa ku sugnaa jiida hore ciidamada qaranka  waxaana soo dacweeyay nin sarkaal ah oo ay isku beel hoose yihiin shaqale waxaanu laba asbuuc ka hor ugu yeedhay hargeysa isagoo isla markiiba jeelka dhigay markii danbena dalka ba ka dhoofay.Arinka ayaa u eeg inqilaab qarsoon oo xilka dalka uu kula wareegay shaqale madaama uu ku amar taag laynaayo mujaahidiintii dalkan sooo xoraysay.
Hadaba Taliye Shaqale ayaa wada arin ka dhan qaranimada somaliland hadaana si dhakhso ah wax looga qaban sababi karta dhaawacyo waawayn oo soo gaadha ciidmaada qaranka iyo bulshada kaleba.
Dhawaan ayey ahayd markiii Mujaahid kabtan Majabe lagu dilay jiida hore waxaana la sheegay inay wali socoto baadhitaan ilaahadana aan wax dilay la hayn.
Labada sarkaal ee midna laa dilay 4 asbuuc ka hor midna hargeysa lagu soo xidhay laba asbuuc ka hor ayaa isku beel ah taas oo dadwayaha shaki wayn ku abuurtay.taas waxaa ka sii daran taliyaha ciidamada Qaran shaqale waxay isku beel hoose ah yihiin Gudoomiyaha Kulmiye muuse biixi waxaana arinkanu dhaawac wayn u gaysanayaa musharaxnimadisa madaa uu cod ka daynaayo bariga.
 
 
Hassan Halyey
<This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.;
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree