Monday, 18 September 2017 12:24

SONYO Dallad Qaran Mise Dallad Qudhaabsi W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

Marka hore waxan u mahad-naqayaa warbaahinta ka hawl-gasha somaliland

oo suurta galisay isku xidhka aragtiyaha dadwaynaha somaliland,suurta

galisayna inay qormadani idiin soo gaadho.

Marka xiga waxan salamaya qof kasta oo ay fariintaydu gadhay kaas oo

iga aragti duwan ama ila aragti ah,bisaylka iyo fahamka nolasha ayaa

suurta galiyay kala duwananshaha aragtida dadwaynaha,

Manta waxan halkan kusoo gudbinayaa arin in badan ka guuxa-yay

maskaxadayda ,isla markan dad-badani dareensan-yihiin,

Arinta aan manta rabo inan ka hadlaa wa ururka lagu magacabo SONYO oo

ka jira somaliland ,ururkaasi wuxuu sitaa magac dhalinyarada

somaliland sida aad in badan ka maqashay warbaahinta somaliland

Ka hadalkayga dallada sonyo ugama

jeedo inaan ku dhaliilo

dhalinyarada hogaamisa iyo xubnaha kale ee dalalda sonyo ka tirsan,wax

lug ah kuma laha diidmo shaqsiyaad ka tirsan dalladan lkn ujeedkaygu

wa inan ka hadlo arimo ku saabsan ururka sonyo oo dusha ku sita magac

iyo hay-bada dhalinyarada somaliland madaama aan ahay shaqsi

dhalinyaro ah xaq ayan u leeyahay aniga iyo qof kaasta oo dhalinyaro

ahi’ ka hadalka arimaha khaldan ee SONYO iyo inan halkan ku gudbiyo

aragtidayda ku saabsan dalladan oo anay dad badani faham- sanayn

xaqiiqada dhabta ah ee SONYO

hadaba waxa is waydiin leh SONYO gorma ayaa la aas-asay ?

goorma ayay dhalinyarada somaliland intay isu yimadeen ku midobeen urur qaran?

Sonyo maxay ka koobantahay ? maxay qabata? xagee ka hesha dhaqalaha?

marka laga hadlaayo urur ama dallad heer qaran ah, taasi oo ay ku

bahobeen dhalinyarada somaliland waxay u baahan-tahay shuruudo badan

si loo helo golle qaran oo ay wadagaan dhalinyarada somaliland,dallada

SONYO ma ah dallad matali karta dhalinyarada somaliland ee wa urur iyo

dallad matasha dad gaar ah ama dhalinyaro dano gaar ah leh”

Sonyo waxay ka kooban-tahay 50-urur oo ka jira somaliland kuwaas oo ay

ku midobeen dhalinyaro iskood isu magacabay oo urur kastaa ay

shaqsiyaad gaar ahi asaasteen, 50-urur ayaa ku midoobay magaca sonyo

,xubnaha sonyo waxay ka koobanyihiin ururadan, ma jirto meel lagu

doortay xubnaha sonyo ee ka yimadan ururadan ee waxay kamid yihiin

ururada hoos taga sonyo

Sonyo maaha dallad ay ku midoobeen dhalinyarada somaliland ee wa

dallad ay ku bahoobeen ururo ay shaqsiyad gaar ahi leeyihiin isla

markaana ka shaqeeya danaha dad gaar ah,sonyo wa urur dawlada hoos

taga kuna shaqeeya siyasada iyo danaha xisbi iyo dad gaar ah,

dallada sonyo si cadalad ah logama qayb-galiyo dhalinyarada kasoo

jeeda gobolada somaliland ,blse wa urur ka kooban dhalinyaro kasoo

jeeda degaano gaar ah ,sida aan sare kusoo xusay ururada hoos taga

sonyo wa ururo ka jira degaano gaar ah, isla markaana aan ahayn ururo

somaliland ka wada jira

Sonyo iyada oo isticmalaysa magaca dhalinyarada waxay ku heshay kaalmo

dhaqaale oo kasoo gala hayado calamiya iyo dawlada somalilnd

,dhaqalaha soo gala sonyo’ waxba lagagama qabto arimaha dhalinyarada

blse waxa ku tagri fala shaqsiyaad gaaar ah ,sonyo marka loo eego

magac ay sidato waxay shegtaan dadka madaxda u ahi’ inay ka shaqeyaan

arimaha dhalinyarada somaliland; walina lama arag meel ay sonyo

dhalinyaro wax ugu qabatay,marka laga reebo shirar yaryar oo ay ugu

magac-daraan wacyi-galinta tahriibka oo warbahinta lagu

xayaysiiyo,lama arag sonyo oo arimaha asasiga ah ee dhalinyarada wax

ka qabanaysa

sonyo wa urur ku shaqeeya siyasada xisbiga talada haya ee

kulmiye,habka dorshada sonyo inta badan wax ka dhasha muran kadib

marka ay xukumadu toos usoo fara-galiso arimaha xiliga dorshada ee

sonyo

Sonyo shaqsiga gudomiyaha u noqonayaa waxa si toos ah lug ugu yeelata

xukamadaha dalka ka taliya’ iyagoo sonyo u xula shaqsiga ay u arkaan

inuu taabacsayahay siyasada dawlada iyaga isticmalaya awoodaha

dawladnimo

Wa arin fool-xun in siyasada sonyo aanay xataa u madax bananayn

shaqsiyadkii ku bahoobay midnimada magaca aan saxda ahayn ee

dhalinyarada somaliland oo iyaga laftigoodu khilaaf dhexmaro kadib

faro galinta xukumada

Dhalinyarada somalilad waxba kuma qabaan sonyo, aan ka ahayn in

magacooda ay ku macashaan shaqsiyaad dhalinyaro ah oo gaar ahi,isla

markaana magacooda loo isticmaalo si khaladan

Waxan usoo jeedinaya dhalinyarada somaliland inay ka dhiidhiyaan in

magacooda iyo sharaftooda ay isticmalaan dad aan shaqo ku lahayn inay

ku matalaan magac guud oo ay leeyihiin dhalinyarada soamaliland

Ma jirto goob iyo golle ay dhalinayarada somaliland inta ay isu yimadeen ku

yag-leleen dallad ay leyihiin dhalinyarda somaliland. lkn qof kasta oo

dhalinyaro ahi waxa uu maqlay magacan iyo dallada sonyo blse ma jiro

qof sheegi kara meel inta ay dhalinyaro isagu timi ay ku midobeen

dallad qaran

Hadaba dhalinyarada somaliland waxa looga bahan-yahay inay aragtidooda

kaga fal-celiyaan dallada sonyo ,gaar ahaan dhalinyarada gobolada bari

oo aan waligood arkin meel ay marayso sonyo

Sidoo kale dhalinyarada kaso jeeda gobolada galbeedku wa inay ka

dhidhiyaan dalladan waji ku macaashka ah ee sonyo madaama anay waxba

ugu jilayn dhalinayarada somalilad

allaah mahadle

W/Q. Mustafe Axmed Maxmed Geedi

EMAIL. This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree