Thursday, 18 August 2016 02:49

Amarka uu Wasiirka Madaxtooyada shaqada kaga joojiyey Muniir Waxay muujinaysaa Cadow tinimada uu Wasiirku u hayo {GAF}

14kii bishan waxaa amar ka soo baxay wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi shaqadii lagaga joojiyey weriye Muniir Axmed Cigaal oo ka hawl geli jirey televitionka qaran, kana shaqaynayey muddo 5 sano ah, amarkaa ka soo baxay wasiirka Madaxtooyada Ma ahayn Amar uu umaray sifo sharciya mana jirin Wax denbiya oo uu Muniir galay, balse waxa keliya uu shaqada lagaga eryey waxa weeye Colaad fogaatey oo uu Maxamuud Xaashi u hayo Beesha Axmed faarax oo uu ka soo jeedo Muniir, Colaadaas iyo caadi fadaas uu Maxamuud Xaashi u hayo Beesha Axmed Faarax Waxay ka bilaabantay 1991 markii uu ahaa Maayarka Magaalad Burco oo Markii uu Muddo yar Xilkaa uu Hayey laga Qaaday laguna Debeley Maxamed xuseen oo kasoo jeeda Beesha Axmed Faarax Maadaama beesha Axmed Faarax ay tahay Beesha ugu badan ee Bariga Burco.

Halkaas oo uu Maxamuud Xaashi ka Qaaday Cuqdad iyo Caadifad uu u qaaday Beesha Axmed Faarax, isagoo intii uu Xilka ka hayey soomaaliland dhalinyaro badan oo kasoo jeeda Beesha Axmed faarax uu qaar shaqadii ka eryey, halka qaarna uu mushaharkii ka dhimay, halka qaar keline uu si dadban shaqadii uga joojiyey.

Runtii Godobta uu Maxamuud Xaashi ka galay Beesha Axmed Faarax maaha mid halkan lagusoo koobi karo, laakiin waa dhito u taal oo aan la iloobi doonin, taariikhdana geli doonta.

Waxaan halkan Baaq uga soo jeedinayaa wasiirka Hawlaha guud iyo Guryeynta Cali Maxamed Xasan [ cali mareexaan ] oo aan leeyahay Calow Soomaalidu waxay tidhaahdaa [ Geel jirihu Geeela waana wada jiraa waana kala jiraa ] ee  markii uu Xirsi joogey Hada Maxamuud Xaashi kuma dhici jirin inuu Shaqada naga eryee, Maanta adigaa Reerka Meesha u joogee Ficil muujiyoo yaan nalookaa soo dhaafin, koley calow Han siyaasadeed waad leedahoo, anana Taageerayaal kuu kayd san baaanu nahee godob hanaga gelin Maxamuud Xaashi Tiisu way cadahaye.

 

Saleebaan muuse jaah

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree