Monday, 06 November 2017 00:56

Ciidamada Itoobiya Xal ma u yihiin Mushkiladda amni-darro ee dalka ka taagan?

Ardayda Soomaaliyeed dugsiyada hoose waxaa lagu baraa in dhul-keenna ah uu inooga maqan yahay Xabashida iyo Kenya, isla markaana ay jirto Soomaaliweyn, calanka buluugga ah xiddigta shanta gees leh ee dhexda kaga taalla waxaa loogu micneeyaa inuu u taagan yahay Shanta Gobol ee Soomaalidu u qeybsan tahay. Soomaali Galbeed oo ah dhulka ku maqan Xabashida Ethiopia iyo Soomaalida Degmooyinka Seeraha Waqooyi ee NFD oo ku jira gacmaha Kenya mooyee inta kale waa kuwa madax-bannaan.
Qof yaraantiisii lagu soo ababiyay Soomaalidaas, siduu maanta ku aqbalayaa waddamadii gumeystuhu kuu gumeeyey ayaa ku geynaya guri nabadeed kaana raraya geyi colaadeed?!
U jeedada maqaalkan sida ka muuqata ciwaanka, waxaan kaga hadli doonaa ciidamada Ethiopia ee bilawgii bishan soo galay xuduudda Soomaaliya. Dabcan markii horaba ciidamada Xabashidu way ku sugnaayeen gudaha dalka magacii la doonaba ha loogu yeeree, waxaa la sheegaa in ciidamadeeda magaca AMISOM ku jooga ay ka badan yihiin kuwa kale ee bilaa ogaal dalka ugu sugan.
Kadib dhacdadii 14-kii October ee is-goyska Zoobe, madax-weyanaha Soomaaliya Mr-Farmaajo, 18 Oktobar 2017, ayuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah al-Shabaab: October 23, 2017, madaxweynuhu wuxuu ka degay Addis Ababa isaga oo halkaas ku tagay safar uu ugu kicitimay waddamada gobolka ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Waxaana kasii horreeyey tagistiisa Uganda. Waxaa la aaminsan yahay in madaxweynaha uu madaxda kala hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa la dagaalanka al-Shabaab.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in ciidamadooda ay gudaha usoo galeen Soomaaliya. Afhayeen u hadlay Wasaaradda oo la yiraahdo Meles Alem ayaana arrintan u caddeeyey APA News.
Bishii December 2006-dii ciidamada Ethiopia waxa ay soo gaareen magaalada Muqdisho iyada oo dowladda Ethiopia ay si cad u jabisay go’aan uu soo saaray Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay December 6, 2006, kaas oo tirsigiisu ahaa 1725, qodobka 4aad waxaa lagu sheegay dowladaha xuduudda la leh Soomaaliya ciidamo ka socda inaan la geyn karin Somaaliya.
Murtidii Soomaaliyeed oo aheyd Qoriga dhig ee Qalinka qaado daba-yaaqadii sanadkii 2006-dii markii ciidamada Ethiopia soo galeen waxaa loo badalay Qalinka Dhig ee Qorayga Qaado taas oo noqotay fikrad hir-gashay. Bishii Oktobar, 2011, Kenya ayaa soo gashay Soomaaliya iyada oo  markaas ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee 1725. Madaxweynihii Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si cad u sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo dadkeeduba aysan ku qanacsanayn fara-gelinta Kenya.
Waddan wuu dhistaa ciidan xoog leh wuxuuse u dhistaa in uu ku difaaco sharaftiisa kuna ilaaliyo soohdintiisa si aysan ugu soo xad-gudbin  deriskiisa iyo kuwa kalaba. Su’aasha ayaase ah: waddamadaas aad iyaga ka dhisaneysid darbiga adag, makula dhisayaan ciidan si aad iskaga moostid daadadkooda?!
Danaha ay Ethiopia ka leedahay Soomaaliya ma ahan in ay soo laabato Soomaalidii 1969-kii, ujeedkeeda joogitaan ee Soomaaliya ma ahan nabad ku dabaalid iyo dagaal ay la gasho ururka Jihadism-ka ee ka dagaalama Soomaaliya. Tusaale, July 25, 2016-kii, mareegta Mustaqbalradio.com ayaa qortay in Ciidanka Itoobiya ay ka baxeen Garas-weyne oo ku taalla gobolka Bakool.
March 17, 2013 ciidamada Ethiopia waxa faarujiyeen degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool, sanad kadib markii ay ka qabsadeen Xoogaga al-Shabaab, October 26, 2016 ciidamada Ethiopia waxa ay isaga baxeen Tiyeeglow: April 03, 2017 waxay baneeyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, waxaa jira deegaano kale oo ay faarujiyeen Ciidamada Ethiopia sida; Ceel Cali, Moqokori iyo Halgan – iyo deegaannada Rabdhuure, Buurdhuxunle, Budbud iyo Galcad.
Waxaa xusid mudan in marka ay deegaan ka baxaan ciidamada AMISOM isla xilligaas ama waqti ka agdhow ay iyaguna faarujiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee kula sugan maadaama markii horaba loo tababbaray in dabka la iskaga dhigo oo aan loo carbin in ay si xor ah u difaac tamaan. Xigmaddii aheyd doodaa wanaagsan ma noqoneysid illa aad dhageyste wanaagsan noqotid, waxaa lagu bedeley Askari wanaagsan noqon meysid illa aad difaac AMISOM Noqotid.
Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, Getachew Reda oo ka hadlayey sababta ay ciidanka dalkiisu uga baxeen deegaanno ka tirsan koonfurta Soomaaliya ayaa yiri; “Joogitaankeenna Soomaaliya ayaa ah laba nooc: laba kun oo askari ayaa nagaga jira AMISOM.  Waxaa intaa dheer dhowr kun oo askarteenna ah kuwaas oo caawinaya AMISOM iyo ciidanka dowladda Federaalka.
Ethiopia, the official said, was only withdrawing troops from Somalia, but not the African Union Mission in Somalia AMISOM.
AUN Cabdulqaadir Cusmaan Maxamuud Aroma buuggiisa Taangiga Tigreega: ayuu ku qoray danaha Ethiopia iyo Kenya ay ka leeyihiin Soomaaliya, qoraalkaan yar laakiin macnaha badan xambaarsan ayaan kasoo qaadanayaa.  Wuxuu yiri; “Guddi uu madax ka yahay Dr Tekede Alemu oo Meles Zenawi u xilsaaray arrimaha Soomaaliya, waxay ku taliyeen marka hore Somaaliya in loo qeybiyo Koofur & Woqooyi  kadibna Koofur loo sii qeybiyo  shan maxmiyadood oo kala ah: Puntland, Midland, Banadirland, Bayland & Jubbaland.
Madaxweynihii hore ee Kenya, Moi isaga oo Washington jooga 19/09/2003 wuxuu yiri; “Somaaliya oo qaran awood leh noqota waxay halis ku tahay waddamada deriska la ah.” Qareen Donald Kipkorir oo u dhuun-daloola danaha Kenya ka leedahay Somaaliya dhowr jeer wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi wuxuu ku qoray riyada madaxda Kenya, wuxuuna ku taliyey  Soomaaliya in laba loo qeybiyo oo la kala raaciyo Kenya & Itoobiya. Wuxuu ahaa nin wax badan og.
Waxa uurka ku jira, marbuu afku xadaa ayay Soomaalidu tiraahdaa.  Madal waliba, madaxda wadamadan waxaa kasoo fakata cadaawadda ay uurka ugu hayaan Xukuumadda Muqdisho, waxaana tusaale kuugu filan, September 19, 2003, Madaxweynahii hore ee Kenya, Daniel Toroitich arap Moi oo hadal ka jeediyay Jaamacadda American Defence University – Washington DC ee dalka Maraykanka wuxuu sheegay in dib u dhaca nabadaynta Soomaaliya ay salka ku hayso shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaali oo midaysan inay sii wadi doonto riyada is-ballaarinta.’ Taas oo uu kala jeedo Soomaali weyn oo dib u midowda.
Former President Moi said one of the drawbacks in the Somalia peace process was the regional suspicion that a united Somalia might pursue its “expansionist dreams”.
Qofka madaxda ah waa sida Faynuus, Faynuusna haddii aysan iftiimeyn ma ifin karto guri mugdi ah ayay xikmaddu aheyd, waa run oo hogaamiyayaasha Xabashada iyo Kenya, runtii wey ifiyeen dalalkooda, dad inaga tirsan iyo dunida kale oo uu ugu weyn yahay Maraykanka ayaana garab ku siiyey in ay mugdi ka dhigaan gurigeenna. Wadamo madaxdii ugu sarreysay ay sidaas qabaan sidee ugu qanci karnaa in ay nabad ilaaliyayaal yihiin isla maraakana ay dib dhidibada ugu taagayaan deganaasho amni oo ka dhasha Soomaalidii nabadda u saaxiibka aheyd?!
Yaabka yaabkiisu waa Geel geesa yeeshay, Soomaaliya Soomaalibaa leh mawaxaa lagu bedeshey Soomaliya Ethiopia ayaa leh? Dhacdo qariib ah ayaa dhacday 04/01- 2007, RW ku xigeenkii Soomaaliya – ahaana Wasiirka arimaha gudaha – Xuseen Caydiid ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya xuduudahooda la isku furi doono, isla markaana ay yeelan doonaan hal Baasaboor iyo hal ciidan, waxa uuna sheegay in la baabi’inayo xuduudii Soomaaliya ay la lahayd Itoobiya. Wuxuu yiri; “Xuduud labo kun oo km ayaa inoo dhexeysa: xudduudaas in aan baabi’ino ayaan rabnaa maxaa yeelay walaalo ayaan nahay wax noo dhexeeya ma jiraan.” Waxaa la yiri dulmigu wuxuu siibaa nimcada, kibirkuna wuxuu soo jiidaa halaagga. Mushkiladda ka aloosan Soomaaliya waa mid ay madaxdeenii abuurtay.
Haddii aan kusoo laabto ciidamada Ethiopia ee bilawgii bishan soo galay gudaha Soomaaliya maxay ka duwan yihiin kuwa hadda ku sugan dalka ee dhibaatada joogtada ah ku haya dadka shacabka sida; qafaalka, xarigga, dilalka, cudurrada iwm? Maxayse kaga badalan yihiin kuwa aan kor kusoo sheegay ee sida joogtada ah u baneeya deegaanadda muhiimka ah oo ay degan yihiin? Waa maxayse farqiqa u dhexeeya kuwii duullaanka qaawan ku yimid dalka daba-yaaqadii 2006-dii ee caasimaddii Africa ka dhigay xabaalaha dunida?! Jawaabtaas aqristayaasha ayaan u deynayaa.
Cilmigu wuu kula dhintaa hantina waa lagaa dhaxlaa, madaxdeennu maanta ma’ahan in ay qaadaan waddadii uu qaaday mudanihii aan kor kusoo sheegay ee xuddudaha Soomaalida iyo Xabashida isku daray, hab dhaqan Soomaalinimo iyo siyaasad furfuran oo ay la timaado dowladda Mr Farmaajo, waxay waddo cad ku jiheyn kartaa shacab niyad ahaan iska soo ag dhawaaday kadib 14 October. Markaad milicsato dowladdii uu madawweynaha ka ahaa AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa markiiba kuugu soo dhacaya dabaabaadkii Ethiopia oo soo galaya Muqdisho iyo dhiiga shacabka oo qulqulaya, hooyo gablantay iyo hoy gubanaya, madfac iyo dhego-jabiye, qulqulatooyinka qaxa iyo  qaxootiga, heerka ay gaartay cabsida laga qabo madaafiicda sida indha la’aanta ah ay u hurgufayeen Xabashidu.  Xataa waxaa si looga maato bartay duunyadii oo dadka uga horeyn jiray goobaha looga gambado qaraxa madaafiicda!
Ujeedadeydu waa in dadku marka ay soo xusuustaan maalmaha danbe, dowladdan aysan quluubtooda mahadho ku reebin.  Waxaana kula talin lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyre, in ay dib u fiiriyaan rajada iyo damaca waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya isla markaana dib loo eego qodobkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu soo saaray December 6, 2006-dii ee tirsigiisu ahaa 1725, farqadiisa 4aad. Lagana faa’iideysto waddamada aan cadaawadda xuduudeed kala dhaxeynin Soomaaliya – diyaarkana u ah inay wax taraan dalkeenna.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it..
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree