Monday, 22 August 2016 04:09

DOOD DHEER OO XASAASIYAH OO LAASCAANOOD KU DHEX MARTAY MADAXWAYNE SIILANYO IYO GUDOOMIYE MUSE BIXI.BY FAISAL FARAFIDIYE

Dood aad iyo aad u kul oo magaalada Laascaanood ku dhex martay Madaxwayne siilanyo iyo gudoomiye Muse Bixi oo san saankeedu u ekaa tii ka dhex dhacaday Madaxwayne ku xigeenka Saylici iyo Gudoomiye Muse wakhtigii diwaan gelinta gobolka Awdal ee ay labad masuul isku haleeleen magaalada Saylac ee lagu kala dhaqaaqay Musena dhinacaa iyo Lawyacado u shiraaqday Saylicina guurah Hargaysa ku soo galay ayaa mantana Lascaanood lagua kala dhaqaaqay oo siilanyona Burco guure ku soo galay Musena saxiibkii Faisal ku hadhay.
HALKAN KAGA BOGO SIDAY DOODASI U DHACDAY;
Siilanyo;
Gudoomiye Muse bal waran socdaalkii dheera ee gobolka soo ka waran.
Muse;
Madxawayne waa khayr laakin wexeeni oo dhami waa biyo col dhaanshay oo ninkii ( Cirro) baa inaga soo daba baxay oo boodhka inagu liqay
hadday tahay Caynaba, Oog, Adhi Caddeye, Guumays, iyo Yogoori Laascaanodnay kantrolka baanu kariirad u dhignay iyan wuu soo jiidhay
Magaalada Laascanood gurayah dushooda ayay dadkii soo dhawaynayeen fuushanaaye markuu dhulku qaadi waayay.
Siilany:
Adeer dhiga ha igu kicinee warkaa iga daa ma gobolkii Sool ee aan 9 xil u magacaabay iyo mashaariicdii aan u dhagax dhigay ilaa maalintii ilaahay abuuray intaan dhax dhigay weligeed cidd iga horaysay dhaxantaas tirro la mid ah may dhigin baa sidaas yeelay warkaas inaga hubi adeer.
Markaa maxaa tallo ilayn kariirad kastaba wuu soo dhaafayaa?
Muse;
Ninkaasi ( Cirro) gobladii oo dhan uu qabsaday aniga waxay ila tahay inaynu isku shaadhayn cusub samayno oo xagga iyo Badhan, dhahar iyo ceelaayo aynu u guurno oo wasirka Arimaha gudah, wasirka Mcadanta, Wasirka Madaxtooyada aynu isugu darno bal inay wax dhasho ilayn meel kale mahadhin ee.
Siilanyo:
Adeer Muse waa ku sidee Caruur caruur aan lala ciyaarin baa jira ee xagga Wasirka Macdanta iyo Wasirka Madaxtooyada ha iga marin yaynaan isku dhici
mar danbena dibnahaaga ha soo maranin yaanad waayin labada kursi qalinkagu maba qoro wasaaradaha qaar markay xil kaqaadis tahay magacaabista uun buu  qoraa, ee haddii ay wax ku dhalayso wasirka warfaafinta, dulista iyo hawda iyo duur joogta iyo Maaliyada anu isgu darro.
waxaan ka yaabayaa inaad malinta danbe tidhaahdid reer Boosaaso aynu wasiro u magacawno ilayn dalkii dhamaynay waxna soo kodhi waayee.
waxaan adeer ku  waydiiya xagay salaadani ka xidhim laadahay?
Muse;
Mudane Madaxwayne horta wasirka Maaliyada ha inagu soo qaadin difaac adag bay haysataa oo labadeenaba waa la ina waayayaa haddii la inaga maqlo,
aniga beri dhawayto yara far geliyay dirqi iyo tu xun baan ku baxsaday. Wasiirada kale ee aad sheegtay waa caaddi oo dhib ma laha waxaana laga yaabaa inay is Casilaan markay doorashadu soo dhawaato sidii wasiradii Dahir Riyaale is casileen oo horaa loo yidhi FIQI TOLKII KAMA JANNO TAGO.
Salaaduna halkan ay ka xidhmi laadahayna anigaa ku sheegaya. weliba maanta gabay baa i haya
BAADIDA RUUX BA KULA DAY DAY DAALNA KA BADIN, HADDANA DOONAYN INAAD HELIN DAAYN ABIDKAA DAKUNA MOODAYN DUUL WADA DHASHAY OO WAX U DAHSOONAYN.
Beryanba waxay dadku adiga iyo xukumadaad kugu xamanayeen odaygu waa XISBIGA WADDANI marka ficilkaga la eego.
Siilanyo;
Adeer MAANIGII ROONAA BAY I ROGTAY  ma ninkaygii Tol, Xidid, Xigaal iyo Deresba anu maryaha dhiga leh awgii u kala furanay baa maanta sidaas u hadalay  ALLAYLE INTEEDAAN KU SUGA ARDKA GAAROODI.
Adeer intaad Bari ka sheekaynayso bal gobalkii Maroodi jeex ka waran sowtan Dunbulq iyo New Harysa isu talaabeen ee shaarubah iska dhukadeen kuna midoobeen Waddaniga Dhabtah Abtiyaasha ma Xaaji Cabdi Xanuunsanaya iyo Faisal oo dayro ah baa kaga hadhay, Axmed DHagaxna beri hore ayuu ku daayay Idaacadii iyo 26 June waa kuwii wacdarah ka dhigay Waddaniga Dhabta ah ee bal cid kale daayee Xafadaadii yaa gacan kugu jira, intaad kolba aniga gabayga ku mashquulsantahy dalkii iyo dadkii meeyee sowtan waddaniga dhabtah la isku shubay.
Heestii maanta iyo Gudoomiye Muse bixi
Cakuye hawl aduun dhib badana ma cidla cirsilaan fadhiyaa cir kaa dheer dhul kaa dheer, nin caydhi weligii ceeb kama fogaadee caway u darrantahay xagge baan cuskadaa.
DOODAHNI WAXAY KA TARJUMAAN WADCIYADA KA JIRA DALKEENA
LA SOCO QAYBA DANBE DOODAHAN DHEX MARA MADAXDA QARAN. 
ALLA MAHAD LEH
Waddaniga dhabtah
faisal farafidiye
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree