Wednesday, 24 August 2016 13:01

Ma dhacaan!

Waa la cabaa, marfashyadana lagu rasaeeya ilaa inta cid illahey uga soo dirayo, haddii
kalena halkaasey ku abaadaan oo sanad iyo in ka badanba ku qaataan iney dhaceen
iyo dhanaaneen toona war iyo wacaal toona looma hayo.
ABVHaddaba dalkeenan Jamhuuriyada Soomaalilaad ee aan ku nool nahay waa dal
sameeyey horumar badan oo dhinacyo kala duwan ah, waxaana ka mid ah dhinaca
warshadaha, gaar ahaan kuwa Biyaha sifeeya, Tirada warshadahaa dalka laga hir
galiyey waa laba & toban warshadood.  Saddex ka mid ahi waxay ka soo baxaan
gobolka Awdal. Waxaanay kala yihiin Shifo, Sixo & Xayaat. Halka lix kamid ahina
kasoo baxaan gobolka Maroodi jeex, waana Durdur, Golis, Dhamal, Xays, Mina &
Tayo. Hal xabo oo kamid ahna waxa laga soo saaraa gobolka Saaxil taasi oo ah biyaha
Zamzam. Labada soo hadhayna waxa laga soo saaraa gobolka Togdheer  waana
Saxansaxo iyo Maax. Biyahani  waxay dalka ka soo baxayeen ilaa lix & tobankii sanno
ee u danbeeyay.
Wax waliba dhib iyo dheef is huwan ayey leeyihiin, biyuhuna waa lagama maarmaan,
faa,iidada ay inoo leeyihiina waa tu aan layska indho tiri Karin, balse aan farta ku fiiq:-;
1.    Qiimo jaban  
2.    Culeys la,aan 
3.    Caagadaha oo dib loo sii isticmaali karo
Intaasoo jirta haddana waxey jac iyo jaba ku dhigeen horta ma jirto cid tayadooda
tijaabisay, mar labaad waxey leeyihiin ceeb kale oo ah markaad iibsatid eed dushooda
daalacato waxa kaaga soo mudh odhanaysa (Best before 12 months from the date of
production) oo macnaheedu yahey “waxay wanaagsan yihiin laba & toban bilood ka hor
xiligii la soo saarey. Haddaba taasaa lafteedu calaamad su,aal dhakada kaaga
dhigeysa oo xilimaa lasoo saarey? Cajab, waadigaa caagadii ku waashay, gab oo
haddana gab ma jirto, Wallay ka tahey soo heli maysid taariikh meel ku taal. Illahey wax
na tus. Haddaba wuxu waa ma Dhacaan dee, aminta aad gacantaada ku dhigtid
ayuunbay ka bilaabmeysaa laba & tobankii bilood ee la sheegayey.
Haddaba dadoow, dadkaygiiyoow waxaa I wareeriyey ee iga yaabiyey aynu iska daaweyno
waa in aynu u yeelnaa taariikh iyo tilmaan saxa oo aan ku xariiqsano si ay xeegana xeego u
noqoto caafimaadna inoogu nabad galo.
Waad Mahadsanithiin
 W/Q: Deeqsi Asad Xamaal
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree