Monday, 05 February 2018 14:01

Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Kowaad.

Gabaydo111
8dii Maarj 2009ka ayaan xus loo qabtay maalinta haweenka adduunka kaga qayb-galay Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaasna waxa lagu faaqiday doorka haweenku dalka, dadka iyo dunida ku leeyihiin. Waxyaabihii madarka lagu bandhigay waxa ka mid ahaa metelaad (riwaayad), maansooyin iyo weedh-madaxeed. Waxa horraantii qoonduhu ahaa in xafladda lagu qabto qasriga madaxtooyada Somaliland, laakiin waxa dharaartaas dalka dhoof kaga maqnaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, sidaas ayaana loogu dabbaal-degay Maansoor.
Dadka fagaare-hadalka ku qoran ayaan ka mid ahaa, waxaana qorshuhu ahaa in aan jeediyo maanso magaceedu yahay ‘Samaan Hooyo’. Kolkii qaybtii hal-abuurka la gaadhay, waxa cod-baahiyaha iiga horreysay haweenay jeedisay gabay magaciisu yahay “Saw annaga maaha”, suugaantaasi waxa ay si weyn u faahfaahinaysay kaalinta lafdhabar ee ay hooyada iyo haweenku guud ahaan nolosha ku leeyihiin. Codkar gudbin wanaagsan oo dhiska maansadeedu heer sarreeyo ayay ahayd, qof ay u bogeen dhegaysteyaashu ayay ahayd, haweenay gabyaa ah iyo curiye aan qudhaydu hawraarteeda la dhacay ayay ahayd.
Waxa la yidhi “Haddii uu qof kaa aftahansani hadalka kaaga horreeyo wuu ku xaalufiyaa”, waxa aan ku sigtay in aan la dhuunto tixdii aan golaha la imi. Haddana kolkii aan jeediyay, iyada oo la ii ducaynayo waa aan arkayay. Gabadhaas hal-abuurka ah ee aan aftahamada, murtida, hab-masraxeedka iyo qancinta bulshada u qirayaa waa Abwaan Nimco Aadan Hurre oo “Nimco-gabaydo” loo yaqaannay Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e.
Hillaaddaas iyo waayadii ka dambeeyayba waxa aanu ku kulannay goleyaal iyo goobo kala geddisan, annaga oo lahayn xidhiidh ku saabsan afka, dhaqanka, suugaanta iyo kobcinta wacyiga ummadda. Walaw aan isku deyay in aan suugaan ka duubo, isla markaana aan maansooyinkeeda qoro intii ay noolayd, sidii Eebbe qoondeeyay ayaa ay arrimuhu u dhaceen. Iyada oo aanu fulin ballankii aanu lahayn ayaa ay geeriyootay, Ilaahay godka ha u nuuro’e. Weliba bilo ama aan sannad aan buuxin ayaa u dhexeeyay xilligii aanu talagalka samaynnay iyo aminta ay ifka nabaadiinaysay.
Aragtideeda waxa iigu dambaysay 1dii Oktoobar 2014ka oo aanu Maansoor Hotel kaga wada qayb galnay munaasibad loo qabtay sannad-guuradii labaad ee geerida Abwaan Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”. Madashaas waxa ay ka jeedisay maanso magaceedu yahay “Saddexdii Maanlaawe”.
Maalin Arbaca ah oo sooyaalkuna ahaa 18kii March 2015ka ayay xilli galab ah ku geeriyootay cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla saacadihiina waxa loo gelbiyay baradeedii rasmiga ahayd (luxudka). Milay fiiddadaw ah ayaan geerideeda ogaaday, haddii aan isku deyay in aan aaskeeda ka qayb galana, waxa ilbidhiqsiyadiiba la ii xaqiijiyay in xabaasheedii oo Naaso-hablood ahayd laga soo dareeray. Halkii aan ku sugnaa ee aan ku tiiraanyaysnaana si aan maanka ka guurin ayaa aan u xasuusnahay.
Farxad iyo riyaaq gooni ah bay ii lahayd kolkii ay ila soo xidhiidheen laba ka mid ah wiilashii ay Nimco-gabaydo hooyada u ahayd oo kala ah Xasan Cabdirashiid iyo Axmed Cabdirashiid (Jilba-cuur) oo yoolkoodu ahaa in aanu dhammaystirno qoraalka diiwaanka maansadii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Gabaydo), sidaas ayaanu u guddoonsannay waajibkaas mudnaanta leh.
Kadlo iyo karaar-jab, guclo iyo gaabis, afar-qaad iyo aayar-socod, xawaare kasta oo aanu hawsha ku wadnay iyo duruufo kasta oo nagu xeernaana waxa mahad leh Eebbaha nagu guuleeyay in aanu hirgelinno himiladii aanu suntannay. Diiwaankan xambaarsan tixda iyo taariikhda Nimco-gabaydo, sida uu talagalku yahay waxa uu ifka u soo bixi doonaa timaaddada dhaw, welina waxa socda tifaf-tirkiisii, tayayntiisii iyo tabaabushihii lagaga dhabayn lahaa. Mana ogin halka ay taag iyo tamari ina dhigi doonaan, tii Allena waa meel.
Waxa aan se doorbiday in aan ummadda la wadaago dhawr qormo iyo gabayo aan ummadda ku xasuusinayo hal-abuur Nimco Aadan Hurre (Gabaydo), waanan hubaa in ay ku suntan tahay in badan oo inaga mid ah maskaxdooda.
Taariikh-Nololeedkii Nimco-Gabaydo
Haddii aan in yar sooyaalkeedii milicsado Marxuumad Nimco Aadan Hurre (Gabaydo) waxa ay ku dhalatay Deegaanka Gudubi oo ka tirsan Oodweyne sannadku markuu ahaa 1969kii. Gu'gii 1976kii ayaa ay tacliinta aasaasiga ah ka bilawday Dugsiga Suuqsade oo ku yaalla magaalada Berbera.
Nimco-Gabaydo waxa ay ku barbaartay magaalo-madaxda Gobol-xeebeedka Saaxil. Iskuulka dhexe-na waxa ay ku qaadatay Burco iyada oo dhammaysay 1983kii. Intaas kaddib waa la guursaday, waxaanay hooyo u ahayd afar carruura oo kala ah saddex wiil iyo hal gabadh. Hooyadeed waxay ahayd waa Caasha Aw Jaamac Xaaji Xasan oo uu dhalay Abwaan Aw Jaamac Xaaji Xasan oo loo yaqaanno (Mintid fara-yar) ahna hal-abuurkii curiyay gabayga caanka ah ee ay ka mid yihiin:
Midh kabriidi, meel lagu shiduu, murux ka yeelaaye
Mintid fara-yar midhihii bataa, kama macaashaane.
Sidaas ayay Nimco-gabaydo uga soo jeedday qoys ku abtirsada suugaanta Soomaalida oo ay allifidda maansada uga hidde-raacday awowgeed hooyo. Curinta suugaanta waxa ay bilawday 21kii Oktoobar 1991kii, sidaas ayaanay kula baxday magaca “Gabaydo” oo ku lammaanaa nolosheeda.
Gabaygu waxa uu ku dhashaa dareen. Carabtuna qofka gabayaaga ah waxa ay u taqaannaa “Shaacir” oo ah kii wax dareemayay. Tixda waxa ugu qiimo badan ta ka curata xadandata xiska gabayaaga ee aan ku iman qof-jeclaysi, hunguri, caadifad IWM. Abwaan Nimco oo ka warramaysa sababaha udub-dhexaadka u ah curinta maansadu waxa ay tidhi “Had iyo jeer suugaanyahanku marka uu suugaan curinayo waxa maskaxdiisa dubbeeya wax la soo dersay, ama farxad ha ahaadaan, ama cadho ha ahaadaan ama naxdin ha ahaadaan. Had iyo jeer wax dareenkiisa kiciyay oo illaa xad kiciyay ayaa sababa qaddarka Ilaahay ka sokow in uu suugaanyahanku curiyo suugaan ugub oo cusub hal-abuuro. Welibana sida ay duqaddu ugu kala dhacdo ayay u kala qiimo badan tahay suugaanta uu hal-abuurku tiriyaa”
Nimco-gabaydo oo ka warramaysa sida ay suugaantu u tahay gaashaan uu qofku ugu adeegsan karo in uu xuquuqdiisa ku difaaco iyo gabayga ay ugu jeceshahay maansooyinka ay ugu doodday xuquuqda haweenku, waxa ay tidhi. “Wax lagu dagaallamo waxa ugu wanaagsan suugaan. In badanna waan ku dagaallamay. Suugaanta aan haween ahaan ugu dagaallamay ee aan xuquuqdayda ku difaacay waxa aan ugu jecelahay gabayga la yidhaahdo ‘Saw Annaga Maaha’ oo aan tiriyay sannadkii 2003da”
Nimco-gabaydo waxa ay ku noolayd magaalada Hargeysa iyada oo ka mid ahayd hormoodka guud ahaan Hal-abuurka Haweenka Soomaaliyeed ee casrigan, intii aanu xaqu u iman.. Eebbe godka ha u nuuro... Aamiin... Aamiin.... Aamiin...
La soco qaybta labaad haddii Eebbe idmo
Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa
 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree