Thursday, 01 September 2016 00:39

Af-hayenka Xisbiga Waddani Xil. Ibaraahin Mahdi Buubaa Ayaa Canbaareeyey Xadhiga Ay Xukuumada Kula Kacdey "Saciid Maxamuud Gahayr"

"Anigoo Ah Af-hayenka Xisbiga mucaaridka Waddani Xil. Ibaraahin Mahdi Buubaa waxa uu cambaaraynayaa xadhiga loo gaystay Macalinka, Abwaanka Saciid Maxamuud 'Gahayr'. 
buuQoraaga Saciid M.Gahayr waxa uu bulshada u soo bandhigay musuq-maasuq hadheeyay wasaarada duulista iyo hawada oo si badheedh ah dhul ugala wareegay daljiriyaal dan-yar ah.
 
Loona ballan qaaday in dhul loogu bedelo ama loo qiimeeyo, Dadkaas qaar ka tirsan waa la siiyay,waana loo dhameeyay balse intii dan-yarta ahayd ayaa ilaa maanta ka faro madhnaan ka taagan.  
 
Markay bolisku arkeen ee ay media-yaha ku arkeen ayay xaq darro ku xidheen qoraaga Saciid M.Gahayr, waxa loo sameeyay danbi aanu gelin, sida afhayeenka bolisku media-yaha ka sheegay waxuu ku eedeeyay qoraaga inuu dad deggan xaafada masalaha shiriyay si ay ugu kacaan mudaharaad ku lid ah xukuumada.
Waxaanu cod dheer ugu baaqaynaa boliska iyo maxkamada-ba inay si degdeg ah xuquuqda iyo xoriyada qoraaga saciid m.Gahar ugu soo celiyaan". Ayuu Yidhi Af-hayenka Xisbiga Waddani Xil. Ibaraahin Mahdi Buubaa"
Sayid cali boqore
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree