Friday, 02 September 2016 00:33

PROTOCOL XUMADA CIIDANKA ILAALADA SOMALILAND

PRESIDENT PROTOCOL

Markoowaad Illaahaybaa Mahadleh Marlabaadna Waxaan Jeclaaystay Inaan

Waxyar ka Qoro Arinta Illaalinta Madaxwaynaha

Illaalinta madaxwaynaha

Qaranka wuxuu kugu fadhiyaa miisaan culus waana ciidanka ugu mudan in la

ilaaliyo lana siiyo tooboro ciidan iyo mid farsamo sobobtoo ah waxay mamuul ka

yihiin ilaalinta nafta qofka Qaranka ugu sareeya oo ah madaxwaynaha

Xaqiiqdii waa Arin aad u culus leh waajibaad ka balaadhan tan saran ciidanka kale

sobobtoo ah ciidanka kale sida milaterigu wuxuu dufaacaa xuduudaha dalka

wayna cadahay cida ku xadgudubta xuduudka sidoo kale ciidanka Boolisku

hawshoodu waxay tahay sugida amniga gudaha kaas oo ay qabtaan cid kastoo fal

danbiyeed gasha

Laakiin ciidan illaalada madaxwaynuhu waxay la kulmayaan dad leh wajiyo kala

duwan kuwaas oo aad cadayn karayn waxa laabtooda ku jira iyo waxay

qorshaynayaan sidoo kale xaqna uu u leeyahay soo dhawaynta madaxwaynaha

waliba uu salaami karaa markaas arinkani maanu aad u adkayn sidoo kale waxaa

jira qaab ilaalin taban oo loo ilaaliyo madaxda caalam taas oo layidhaahdo

PRESIDENT PROTOCOl

Tusaale: - madaxwaynaheena haduu safar uu u baxayo waxaa raacda raxan wasiiro

ah iyo madax kale markaasu mid walba doonayaa in uu dhinac socdo mar koowaad

ciidanku ma helayaan fursad ilaalin iyo mid badbaadin mar labaad hadii ay wax ka

dhacaan goobtaa sidee madaxwaynaha loo badbaadin lakin se hadii madaxwaynaha

ciidanku badbaadiyo wasiiradu mayna ahayn masuuliyiin qaran ?

1. ciidanka ilaalada madaxwayne siilanyo may buuxiyeen mise waa maya ?

2. Hanaanka ciidanku ay ku qaataan Qoriga iyo Hubka kale ma saxbaa?

3. maxayse tahay muujinta hubka ciidanku wataan ?

4. ciidanka ilaalada madaxwaynaha waxay is dhex galaan dadwaynaha iyo

ciidanka Booliska waa hubaal in askariga boolisku yahay muwaadin waliba

go,aansaday in uu ilaaliyo dalkiisa lakin yaa huba in ay gabi wada yihiin sidaa?

5. Askariga cid ma u idman kartaa in uu u fuliyo fulinta dilka madaxwaynaha ?

6. mayna ka dhicin dunida dilal madaxwayne oo uu fuliyay Askari?

7. Hadii aaynu leenahay waa ma dhacdo maxaa loo ilaalinayaa madaxda?

TUSAALE LABAAD: - madaxtooyada SOMALILAND maalintii waxaa gala qof

kasta oo losocda qof la garanayo oo ka shaqeeya madaxtooyada arintani ma saxbaa

marka aynu eegno Nidaanka Amni?

2. May jirtaa madaxtooyada Qoraalo iyo cadaymo lagu ogaan karo cida bari soo

galaysa iyo hawsha iyo cida uu usocdo ?

3. May jirtaa amar sheegaya in uu gaadhi soo gali Karin gudaha sobobtoo ah xataa

gaariga wasiirka wax laga yaabaa in miino lagu xidho oo uu ku xidho cadaw sida

Alshabaab

Mihiimada Madaxtooyada

madaxtooyadu waa halbawlaha uu qarankaste leeyahay

Waana dhismaha ugu qaalisan dalkasta ilaalinteeda iyo qurxinteeda

Sobabta Qoraaga

Soo bandhigida arintani maaha in aan ahay ama oganahay dhacdo sida oo kala ah

Oo dalka ku soo socota laakiin waa tusida dabacsanaanta ka muuqata ciidanka

Waana in aan saxo ama Hogo-Tusaaleeyo madaxaha ilaaliyaha madaxwaynaha

Ma ihi midka ugu aqoonta iyo waayo-aragsan arintan laakiin waxaan ahay qofkii

ugu horeeyay kuna dhiiraday in uu soo bandhigo

ALLAA MAHADLE

Qoraalkii : Cabdirahman Yacqub Xasan

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Telephone: +252634807177

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree