Saturday, 03 September 2016 15:06

Maxay Iska Shabbahaan Dagaalkii 1997kii ee Ceerigaabo iyo Dagaalka 2016kii(Hadda) Ka Socda Magaalada Dogable ee Deegaanka Ceel-afweyn?.

Sida aynu ogsoon-nahay sannaddii 1997kii, waxa magaalada Ceerigaabo ku dhicisoobay dagaal sokkeeye oo la damacsanaa in la iskaga horkeeno bulshooyinka walaalaha ah eek u dhaqan magaaladdaasi, wallow ay jirtay xooggaa shaqaaqooyin ah oo wakhtigaas ka kala dhex-dhacay dadkaas walaalaha ah, waxaana sida aynu wada ogsooneyn dagaalkaas qab-qable dagaal ka ahaa wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi oo horeyso iyo dambeyso ba caan ku noqday iska horkeenka iyo kala-dillida beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Somaliland.

Isla dagaalkan isna 2016ka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraaya deegaanada Darar-weyne iyo Dogoble, ayaa ah mid ay wax badan ay iskaga eeg yihiin dagaal beeleedkaas hore loo dhex-dhigay beelaha wada dega Ceerigaabo, waxaana labadan dagaal dabshid ka ahaa wasiirka isla xilligan ah wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Dagaalkan hadda ka socda deegaanka Darar-weyne iyo Dogable, ayaa la isku haystaa berked biyood laga qodey meel cidlo ah, waxaana berkeddaas qodisteeda iyo maal-gelinteeda dhaqaale ba bixinaayey wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi iyada oo sida oo kale na sida la sheegay hub aad u tira badan oo uu lee yahay boqor Buur-madow isna uu yahay hubka lagu difaacayo berkad biyoodaas.

Nuxurka ku duugan berkad biyoodan meesha cidlada ah laga qoddaayo ayaa siyaasad qarsoon oo ay ka dambeeyaan Maxamuud Xaashi iyo Boqor Buur-madow, ka dib markii dhawaan dhulkaas laga sameeyey sahamin shidaal, sida la sheegay na la soo tebiyey in dhulkaas laga helay shidaalkaas, waxaana wararku noo tibaaxeen in Maxuud Xaashi uu doonaayo siddii beesha uu ka soo jeeda ay wax ula qeybsan lahayd beesha kale ee deegaankooda laga helay shidaalka dihin.

Siyaasi Maxamuud Xaashi, ayaa tan iyo waagii 1997kii, waxa si aada looggu dhalliilaa in uu yahay siyaasi dabshid ah oo inta badan iska horkeena beelaha walaalaha ah, waxaana ay arrintani tilmaan u noqon doontaa sida uu Maxamuud Xaashi u yahay qab-qable dagaal iyo weliba sida oo kale kala geeye ab iyo abti isku deegaan iyo nolol ba ah.

Xuseen Saalax Mawliid

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree