borama 250x250

Sunday, 04 September 2016 00:18

Zaylici oo Dubai loo diray iyo Kulmiye oo awdal ka fur-furtay by Abdi Mustafe

Zaylici waxa la siiyey lacag oo waxa lagu yidhi adigu Dubai ku dhuumo inta lixda goobood la hirgelinayo sababtuna tahay jilibkiisa ayaa degen degmada Lughaya. Dabeed si aanay Zaylici uugu tegin oo aanay u odhan naga qabo dhul-boobkan ayaa Muse biixi iyo ina aw Siciid ku qanciyeen inuu dalka ka dhoofo oo sidaa darteed buu emaaraatka u joogaa waqtigan degaan kuu ka soo jeeday la isku heysto. Waxa kale oo xisbiga Kulmiye soo gaadhay dhaawac weyn oo ah in aanay reer Awdal cod siin doonin Muse iyo Zaylici toona.

Awdal iyo Selel labadaba Kulmiye wuu ka fur-furtay oo kama heli doono wax taageero ah kol haduu dhul koodii ku soo duulay Muse biixi, Isaga oo musharaxa ayuu sidan u dhaqmayaa oo gobol dhan colaysanayaa ee haduu madaxweyne ahaan lahaana muxuu samayn lahaa. Muse Barina horey isu eedeen Galbeedna maanta ayaa isugu dambaysa dabeed sow inuu tartanka ka hadho maaha.

 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree