borama 250x250

Monday, 05 September 2016 14:21

Xalka Saamiga Golaha Wakiilada JSL... Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar

Marka hore ilaahay baa mahad iska leh inaga dhigay umad muslim ah.

Intaa kadib, sidaan wada ogsoonahay seddexda xisbi- qaran waxay taladii saamiga golaha wakiilada ku celiyeen madaxweynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo, si uu xal uga gaadho arintaas oo soo jiitameysay mudo 25-kii sanno.

Waxaa xusid mudan doorashadii ugu dambeeysay ee golaha Wakiilada ee somaliland in madaxweyne  Rayaale 28-kii bishii Marso 2005-tii u gudbiyay Golaha wakiilada Jsl Xeerka doorashada golaha wakiilada Xeer No:20/02/2005 Si ay wax ka bedel iyo kaabis ugu sameeyaan isagoo Cuskanaya xeerarka xaqa u siiyay ee dastuurka JSL qodobka 78 faqradiisa 3aad iyo 4aad.    

Wuxuuna nuxurka qoraalkiisu u qornaa sidan:  

["1. Kaabid (cusub)inad ku sameeysaan qodobka 12aad ee Saamiga kuraasida iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo danta qaranka ugu jirta awgeed saamiga kuraasida gobolada ku yeelanayeen oo aan ku saleeyay heshiiskii Wada jirka ay ugaadheen axsaabta qaranka iyo komiishanka.

Saami qaybsigaasi oo ku eg doorashadan,iyadoo doorashooyinka dambana  lagu saleyn doona tira koob dhab ah oo laga qaado taasi oo cid kasta tiradooda ay Wax ku heli doonaan.

1). Gobolka Maroodi-jeex= 20Kursi

2). Gobolka Togdheer= 15Kursi

3). Gobolka Awdal= 13Kursi

4). Gobolka Sanaag= 12Kursi

5). Gobolka Sool= 12Kursi

6). Gobolka Saaxil= 10Kursi 

Tirada guud ee kuraasida =82].

Xeerkaas oo ay golaha wakiiladu ansixiyeen ayaa lagu galay doorashadii Golaha wakiilada ee la qabtay bishii Sebtember 2005-kii,arintaas oo aheyd mid ku keliftay dadka reer soomaaliland inay usamraan doowladooda,

Hadaba maanta waxaynu aragnaa in dalka ay-kadhacday diiwaan gelin dhamaan gobolada dalka,waxaa waajib ah  in saamiga lagu qeeybiyo tirada dadka, ee arintu ayna noqonin gobolo oo keliyah, waayo xildhibaanka dad baa doorta oo uu metelaa ee dhul keliyah ma metelo. 

Waxaynu wada ogsoonnahay in doorashadii hore ay xildhibaanada qaarkood ay ku soo baxeen 1923 cod, waa cod ka yar [2000] halka gobolada qaarkood xildhibaanadoodu ay ku dheceen 4000 oo cod sida Gobolada Galbeedka [Maroodi-jeex iyo Awdal]

Markaa waxaa lagama maarman ah in xeer siman oo mid ah loo dhigo codadka ay xidhibaanadu ku soo baxayaan taas oo ay ka siman yihiin gobolada oo dhan.

Waxaa xusid mudan xildhibaankii ugu codka badnaa soomaaliland oo dhan,wuxuu ahaa xildhibaan Abdi Maxud Jamac[gaagaale] oo helay codad dhan(14035)  oo ka soo baxay gobolka awdal, (xisbiga udub) iyo xildhibaankii ku xigay oo kasoo baxay maroodi-jeex Xildhibaan khadar aadan xuseen(khadar ambassodor) oo helay (9251)cod (xisbga ucid).

Tusaale ahaan: 

Labada xildhibaan codad-kooga marka la isu geeyo waxa weeye (23286) halka 10-ka xildhibaan ee saaxil ay ku soo bexeen gebi ahaantooda (25662-cod) bal ka qiyaas qaado arintaa, waa iyadoon lasoo qaadin gobolada bariga.

Hadaba si arimuhu inoogu hagaagaan waa in saamiga lagu saleeyaa tirada dadka isdiiwaan geliyay, gobolada ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan somaliland waa inay kuraasi badan oo udhiganta ka helaan golaha wakiilada. 

ALLA MAHAD LEH

Qoraa: Ustaad Asad Muuse Kibaar

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Telephone: +252-63-4453653 and +252-65-9294630

Borama - Somaliland

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree