borama 250x250

Friday, 08 June 2018 19:18

Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Aaden Xirsi Terra oo geeriyooday

terra
 
Allaha U Naxariistee waxaa magaalada London ee Cariga dalka Ingiriiska ku geeriyooday Wariye sare Maxamed Aden Xirsi Terra oo kamid ahaa Rug Cadaayada saxaafadeed ee dalka
Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay la daalaa-Cayay xanuun saameyn ku yeeshay noloshiisa sida ay xaqiijiyeen ehelada qoyskiisa.
Allaha u naxariistee Maxamed aaden Xirsi Terra ayaa  kamid ahaa Rug Cadaayada faro ku tiriska ah ee ka haray saxafyiinta Soomaaliyeed ,isagoona muddo kusoo jiray howlaha mihnada Saxaafadda.
Marxuumka ayaa sidoo kale  horey uga mid ahaa Wariyeyaasha Raadiyo Muqdisho ee bari-samaadka , isagoona markii dambe noqday Agaasimayaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Raadiyo Muqdisho oo ah warbaahinta ku hadasha afka dowlada .
Marxuumka ayaa markii ugu dambeysay waxa uu  ahaa agaasimaha Telefishinka Puntland Tv ee bariga Europe ,isagoona ka hor inta uusan qaban shaqada agaasiminimo uu ahaa war akhriye ka tirsan Telefishinka Universal oo kamid ah telefishinada afka-Soomaliga ku hadla .
Eebe ha u raxmado Maxamed aaden Xirsi Terra,eheladii iyo qoyskii  uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.
innaalilaahi wa innaa ileyhi raajiCuun kullu nafsin daa,iqatulmowt
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree