Wednesday, 01 August 2018 15:44

Hasha wadna waa dilay waxna waa u weheshay (faalo siyaasadeed)

“It is not the moment what defines us,but our choices/our reactions that Makes who we are”

“Waqtiga aynu joognaa maaha mid qofnimadeena qaabeeya,balse ficilkeena iyo goaanadeena ayaa ah natiijada cida aynu nahay”

Safarka dheeri talaabo ayuu ka bilaabmaa dalka iyo dadkuba waxay tabayaan doorkii da’yarta dhinaca san wax ka eegta oo iyaguna sabirkoodu yaryahay Arinkasta oo inala soo gudboonata way yartahay in la helo warbixin buuxda oo inagaga filan waxsheegeeda iyo waxay salka ku hayso,waayo badanaa waxaa khaldan ujeedada guud ee warkaasi xanbaarsan yahay,xirfadda cida gudbinaysa iyo garaadka cida loo gudbinayo iyo ujeedooyinka laga leeyahay

,”Kuwa xasuusan kari waaya waayihii soo maray waxay ku inkaaran yihiin inay dib ugu noqdaan” hadalkaas Prof gees buugiisa dharaaro xusuustood baan ka xushay waana kayd in la isticmaalo oo noloshana lagu dhisto ku haboon.

Bulshada kama dhab aha rabitaanka umad midaysan oo meel u wada socota waxay isla daadagayaan qaabka ay wax uqiimeeyaan waxay ku xidhan tahay kolba caadifada marxaladu ku keentay iyo hungurigu halkuu dheemaalkiisu ka bislaanayo maalintaas,Xiiso badan uma hayaan dadkeenu waxay afka ka sheegayaan inay ka dhabeeyaan ama geediga dhabta ah ee dhabadaa ku ridaysa.

Xukuumadda cusub dhaliilaha sida isdaba jooga loola beegsanayaa ma yara balse miisaanka dhaliilahaasi ma dheelitirna midba godbay kasoo farcamaysaa ninba geesbuu ka fadhayaa war uu isagu jecelyahay in uu buunbuuniyo.

DHAQAALAHA.

Dhaqaalaha dalka qaabkee ugu haboon ee miisaanka wax lagu qiimaynayo lagu saari karaa ? isbedelka siyaasadeed mid farsamo iyo mid hogaanba isbarbardhiga halkee looga doonayaa,ileen hadii kale waxaad raaci doontaa darbi doqon dhigay line-kiisii 

Xukuumaddu cusubi ee Madaxweynaha uu ka yahay Muuse biixi wuxuu la kawsaday dhaqaale burbur xoogan oo ka jira suuqa iyo nolosha dalka miqiyaaska caadiga ahna aan ku fadhiyin waxay dawladii hore kaga tagtay dayn nidaam qoran oo dariiq wanaagsan lagu gaadhayo muu dhaxlin waxaa jira qorshe qaran oo la qoray una qoran Qodobaddan:-

Economic

Infra-structure

Governance

Social

Environmental

Bal aynu Tiirka ugu horeeya dul istaagno  Dhaqaalaha (Economic) tiirkani Qorshaheena Qaran wuxuu ka kooban yahay 9 qaybood oo kala ah :-

Macro-Economy & Finance, 2- Planning, 3-Agriculture, 4-Livestock, 5-Fisheries, 6-Industry (oo ay ka mid yihiin Commerce and Tourism), 7-Mining, 8-Private Sector, iyo 9-the Diaspora.

Qodobka u horeeya Macro-economy & finance wuxuu diirada saarayaa 

Dib uhabaynta bangiga dhexe ee Somaliland (Reforming the Central Bank of Somaliland,)

Dhaqaaluhu wuxuu leeyahay wado xal u ah xaalad kasta oo uu galo waxaana halbawle u ah Shaqada iyo awooda Bangiga dhexe hadii aan fasiraad kooban ka bixiyo xaaladaha khatareed ee dhaqaaluhu galo (Financial crisis) waxaa loo qaybiyaa:-

Bank crisis (Khalkhalka nidaamka bangi)

Nidaamka bangi waxaa sababa inuu khalkhal galo marka ay awooda kayd lacageed ee taala bangiga ay yaraato oo lacagihii la dhigtay aanay awood u lahayn inay bixiyaan. Marxaladdan marka loo eego awooda bangigeena malaha miisaan lagu qiyaaso waayo 30 sanno ee dawladda Somaliland jirtay Dawladdu may keenin nidaamkii tayayn lahaa bangiga awoodeeda dhigaal ee lacageed taasoo bangigii ka dhigtay fadhiid.

Kaydka dhigaalka lacageed ee bangigu wuxuu leeyahay wajiyo kala duwan oo macno wayn u leh jiritaanka awooda bangi 

In uu jiro kayd kab dhaqaale 

In shirkaddaha sida gaarka ah loo leeyahay laga hayo damaanad dhigaal lacageed 

Sababaha ugu waaweyn ee Bangigu u noqdo halbawlaha dhaqaale ayaa ah in kayd lacageed iyo kab dhaqaaleba uu leeyahay bangigu si fursado maalgalineed oo shaqo abuur iyo qorshe nololeedka bulshadu horumar gaadho.

Hadaba kayd lacageed halkeed ku ogayd halkeese ka imanayaa ee ilo dhaqaale inoo furnaa

GANACSATADDA:-

Ganacsigu wuxuu ka koray dawladnimadda waxaana ka awood badnaa sharciga lacagta ganacsatadu haysato ganacsiga dalka ka jiraa lama socda sharciga dalka dawladdu may lahayn nidaam awood sharci oo cashuurta dhabta ah ka qaada ganacsatadda xooga uga macaashtay dalka waayo waxay wasiirada dawladu u badnaayeen kuwo lacago ku qaata danaha ganacsatada hoosna u dhiga sharciga,dawladda cusubi waxay qaaday talaabo muuqata oo la xisaabtan ah farsamo ahaan khalad iyo sax kuu doono ha ahaadee maansadii abwaan afgudhiye “wankayga cadow ha naaxin baruurtu wadkaaga weeyoo wadaadbaa reerka jooga” awooda 30 ka sanno sharci darrada lagu macaashayay ayay dawladda cusubi markaliya talaabo ka qaaday gariir bandanna way keentay ganacsatadda oo dhami dhinacbay ka istaageen mid lacag qaybisa iyo mid olole warbaahineed kicisaba.

SIYAASADDA ARIMAHA GUDAHA IYO DIBADDBA 

Ta gudaha aan ku horeeyo, Siyaasada dalku waxay maraysa marxalladan qadhaadh oo dawladii hore iyo dabcan xisbiga kulmiye iyo siyaasada guud ee soo jiitamaysa ay horsed ka ahaayeen oo ahayd in ololaha lagu galo reernimo maadaama caqliyadii dadka aan la dhisin.

Gudoomiyihii baarlamaanka ahna musharax xisbiga wadani Abdirahman cirro iyo Madaxweynihii hore Ahmed siilaanyo waxaa jiray xili ay isku qabteen arin sharci oo xal sharci lagu dhamayn lahaa laakiin markaliya hanjabaad iyo badheedh reernimo isu habarwacday labadii reer ee ay kasoo kala jeedeen labadaa siyaasi marxalladaasi waxay ahayd mid hoos u dhigtay sharcigii Somaliland u yaalay.

Kaambaynkii wuxuu gaadhay heer reernimaddu gashay in ninka laga guulaystaa gun uu noqonaya dadkii masaakiinta ahaana ukala qaybsamaan.

Siyaasada hogaanka dalka oo isbedel ku yimid kiyuugii dheeraa ee dhalinyarta cidhiidhiga ku hayay oo meesha ka baxay siyaasi tuugii oo meesha ka baxay odaygii damiinka ka ahaa siyaasiga oo isna gabi ahaanba meesha laga saaray qayla dhaanteedii ayay ka mid tahay balaaya dhacday dagaalbaa jira iyo dalka lama wada laha iyo waa la wada leeyahay.

Arimaha Dibadda wax dawladda muuse la kawsatay heshiisyo dibadeed oo xulufo la safan dawladda iyo kuwo kasoo horjeedaba abuurtay Somaliland waxay leedahay saaxiibo guun ah sida ethopia iyo jabuuti, dawladda jabuuti heshiiska emarate ka iyo Somaliland kuma ay niyad samayn marka danteeda laga eego balse Somaliland oo aan lahayn ilo kale oo dhaqaale danteeda ayaa kala waynayd waxaana halkaa soo kala dhexgalay siyaasad dhaqaale.

Ethopia waxay Somaliland la gashay heshiis maalgalin waxay ahayd halbawlaha dhismaha cusub ee dhaqaalaha dalku isha ku hayay waxaa isbedel wayni ka dhacay hogaankii dalka ethopia oo waxaa yimid Raisal wasaare Dr Abei Ahmed oo aragtidiisu ka duwan tahay ninkii hore ee joogay inkastoo anay jirin kala go balse waxaa amusnaani ka muuqataa geedi socodkii labada dal.

Hadaba aan soo yara aaraartee odhaahbaa tiraahdaa “Hasha wadna waa dilay waxna waa u weheshay” dawladda cusub waqti lagu qiimeeyo ma taagna 6 biloodbay maraysaa wadna waa jiroo isbedellada geeska ka dhacay ayaa aamusnaanta keenay 

W/qoray: Ahmedyasin sh omar sh Ahmed furre

 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree