Monday, 06 August 2018 04:08

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, dhulkii uu siiyey Eritareya talaw muxuu ku badalan doonaa? W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Madaxwaynahii Geeriyooday ee Dalka Ciraaq Saddaam Xusseen waxa uu dagaal laxaadle la galay Dalka Iiraan sanadku markii ahaa 1980 .Ciraaq waxa ay kula dagaalantay Iraan dhul ay sheeganaysay ,waxaa lagu qiyaasa dagaalkaasi Ciraaq in ay kaga dhinteen Askar dhan 120,000 kagana khasaareen maal aad u farabadan ,halka ay Iraan sheegatay in ay kaga dhintaan dagaalka 123,240 askari.

Sababaha ay dawlada Ciraaq u weerartay dalka Iraan waxaa ka mid ahaa sheegashada dhulka saliida hodanka ku ah ee layidhaa Khuzestan,dhulkaasi oo ay deegaan ahaan deganayaan dad asalkoodu Carab kasoo jeeday , degayna dhulkaasi xiligii khulafada,dagaalkaasi oo soo gaba-gaboobay bishii Ogoosto sanadkii 1988.

Hadaba dhamaadkii dagaalkaasi ayaa Sadaam Xuseen waxa uu si lama filaan ah Iraan ugu saxeexay dhulkii uu mudada aadka u badan kula dagalameeyey,waxaanu si toos ah u cadeeyey in dhulkaasi ay iska leeyhiin dadka reer Iraan.

Muxuu ku badashey Dhulkii Saddaam Xusseen ?

Sadaam Xusseen isla 1990 waxa uu qorsheeyey in uu ku duulo dal-yaraha Kowayt,balse inta aanu weerarka ku qaadin Kuwayd ,waxa uu dhulkii uu sheeganayey ee uu Iraan kula fagalamay naf iyo maalna uu kaga baaba'ay isla Iraan u siiyey laaluush iyo xaalmarin; taasna waxa uu uga jeeday in aanay Iraan dhabar jabin ku noqon marka uu Kuwayt dagaalka ku qaado waanay u shaqaysay.

Waxa kaloo uu qorsheeyey isla markaana uu isu miisaamay labada dhul (kan Iraan uu ka qabsaday iyo kan Kuwayt ee uu hada u hammi iyo digleeyahay midka u faa'ido badan) kadibna waxa usoo baxday in Kuwayt hadii uu gacanta ku dhigo uu noqonaayo dawladaha aduunka ugu hodansan,balse maxaa ka raacay.

Itoopiya maxaa faa'ido ugu jiray ogolaanshaha gooni ugosashada Eritareya?

Labada dal ee Itopiya iyo Eritareya waxaa dhex maray dagaal aad u qadhaadh,kaasii oo sahayday naf iyo maalba,waxa kaliya ee la isku haystayna waxa uu ahaa sheegashada labada dhinac ee dhul lagu muran sanaa ,dagaalkaasi oo lagu tilmaamay in uu ka mid ahaa dagaladii ugu dhimashada badnaa Afrika ,iyada oo ku dhawaad 80,000 kun oo Iskari ay ku nafwayeen labada dhinac.

Hadaba Raysalwasaaraha cusub ee Itoopiya Abiy Axmed ayaa waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay markii uu talada la wareegayba in uu gabi ahaanba ka tanaasulay dhulkii ay mudada badan ku dagalamayeen isaga iyo Eritarya isla markaana ay uga tanasuleen walalahooda Eritareya,taasi oo dad yaw badan oo caalamka ku dhaqan ku noqtay wax layaableh.

Hadaba su'aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay ,Raysalwasaaraha Itopiya ma laga filankaraa in jidka siyaasada ee uu qaaday uu yahay kii Sadaam Xuseen oo kale ,kadib markii uu dhulkii dadka badani kaga dhinteen uu ku wareejiyey Dalkii uu dagaalku ka dhexeeyey ee Iraan,kadibna uu dagaal iyo qabsasho ugu duulay dalkii Kuwayt.

Abiy Axmed garanay in Dhulkii uu waayada badan ku dagalamaayey siiyay kuna wareejiyay dalkii ay colaada ba'ani ay ka dhaxaysay ee Eritareya ,hadaba taloow sheekadu ma noqon doontaa "baroortu Orgiga ka wayn",maxay ayuu ku badalan karaa,sansaanka siyasadeed ma u eekaan karaa kii Saddaam Xusseen.

Sanadahii goosashada dawlada Eritareya iyo Itopiya ay ka wada hadlayeen, ayaa waxaa dadka siyaasada u dhuun-daloola ay sheegaan, in Itopiya ay dawladaha waaweyn ee caalamka u sheegtay in hadii ay ogolaato in Eritareya ay noqoto dawlad Itopiya ka madaxbanaan,in Itopiya dhinaca Dekadaha ay dhib badani kaga imaan karto ,madamaa aanay lahaandoonin wax Bad ah.

Balse dadkaasi siyaasada u dhuun daloolaa waxa ay sheegaan in Itopiya lagu qanciyey waxyaabo badan oo keenay in ay ku qanacdo xoriyada Eretareya ,waana mida sababtay in ay Itopiya saxiiixdo heshiiska gooni isu taaga Eritareya.Isla xilagaasi waa wakhtigii Dawladii Somaliya ay garoonka siyaasada kasii baxaysay ama ay ka baxdayba.

Dawlado badan oo waawayn oo Itopiya ay saxiib dhaw la tahay ,waxa ay qaadan kari layihiin in dalwaynaha Itopiya uu noqdo mid aan lahayn wax Bad ah ,taas awadeed ayaa hadana waxa ay dawladahaasi u arkaan in aanay suura gal ahayn in ay bado yeeshaan dad aan Dunida wax macna ah aan ugu fadhiyin "iyaga rayigooda" kuwaasi oo iska leh badaha dunida ugu qaalisan sida Indian Ocean iyo Red See.

Madax badan oo Dunida caan ka ah ayaa in badan ku dhawaaqay in aanay caqli gal ahayn in Boqol Milyan oo Qof oo Itopiyaani ay Bad la'aadaan isla markaana ay Bado yeeshaan kuwo aan waxba kusoo kordhin dunida rabash mooyaane "iyaga caqligooda".

Itopiya wakhtigan xaadirka ah waxa ay wax kala soo degtaa Dekadaha Jabuuto,Berbera iyo Keenya,badeecadaha ay lasoo degtana waxaa dhabarka kusoo qaada Marakiib ay leedahay oo an lahayn wax Bad ah.

Sidoo kale Raysalwasaaraha Itopiya waxa uu dhawaan Jeelasha kasii daayey Maxabiistii wakhtiyada aadka u badan u xidhnayd dhinaca siyasada,khaasatan dhinaca Somalida waxaa la filayaa in dhawaan uu wadahadal la furi ONLF.

Xiligan oo kale Siyaasadaha Itopiya maaha kuwo la saadaalin karo.Raysalwasaraha Itopiyana waxa uu ku jiraa xaalada uu Caruusku ku jiro xiligan oo kale oo layidhaa Shahrul-casal(Bishii malabka) balse shaqo badan iyo hawl badan ayaa u taala,talabooyinka uu qaadayna waa kuwo u baahan in si taxadarleh loola socdo isla markaana aan la ilaabin ee markasta la xasuusnaado taarikhihii soo jireenka ahaa.

Waxbadan ha laga fiirsado,waxbadana ha loo fiirsado.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree