Sunday, 23 October 2016 17:06

KOOXDII SIYAASADA KULMIYE KU JABTEY OO XISBIGA WADDANI CIDLO KA HESHEY SI FUDUDNA U IN QILAABEY!

Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda  saxaafada guud  ahaan,  gaar  ahaanba  waan  idinsalaamey.
Salaam  ka  dib  beryahan  waxaa  dalka  ka  socday  film cartoon  la  yidhaahdo . xisbiga  waddani  oo  dadbadani  ay  daawanayeen,  markaasi  filmkii  wuu  dhamaadey  ,  sida  caadad  ah  filmku  waa  sheeko   aan  jirin  oo  la  alufo  ama  la  iska  yeelyeelo.
Hadaba   filmka  iyo  ujeedada  loo  sameeyo  dadka  qaar  ayaa  fahma  markiiba  ,halka  dadka  kalana  ay  mudo  ku  qaadato  in  ay  fahmaan,sidaasi  darteed  waxaa  filkaasi  waddani jilayaal  ka  ahaa  koox   wasiiro  u  badnaa  oo  hore  uga  mid ahaa  xisbiga    kulmiye  iyo  xukumadiisa  uu  hogaamiyo  al  xaaji  axmed  maxamed  siilaanyo.
Inta  aan  filamka  la  sameyn  waxaa   la  soo  dhisaa  sheekooyinka  iyo  sida  loo  matalaayo,  markaasi  kooxdan  oon  hore  u  aheyn  jilayaal,  ayaa  waxey  sheekada  ka  soo  dheegteen  filimo  hore  ay  u  jileen,  jilayaal,    filimo  kale  jiley.
Waxaan  uga  socdaa  kooxda  la  baxday  isbuureysiga  kulmiye  ee  ay  hogaaminayeen,  xirsi,  xunbaweyne  iyo  xil  waabeeye,  waxey  isu  eekeysiiyeen  kooxdii  la   odhan  jirey  calan  casta  waqtigii  snm  balse  kooxdaasi  waxey  kaga  duwanaayeen,  sida  shaxda  loo  dhigo  iyo  qaabka  inqilaabada  wey  kaga  aqoon  badanaayeen,  waayo  waxa  ku  badnaa   xubno  khubro   milatry  ahaa,  balse  kooxdan  xisbiga  waddani  inqilaabey  waa  shacab  shacab,  inqilaabey  taasina  ma  shaqeyso  oo  shacab shacab dee  ma  inqilaabo  ee   waxaa  wax  inqilaabaa, waa dowlad dhisan ooy    ciidamadu  xukunak  iyo  siyaasda  ka  maroorsadaan  inta  badana  wey  u  shaqeysaa,  balse  kooxdan  waranlayaasha  ah  ayaa  hore  isugu  dayay  in  ay  inqilaabaan  xisbiga  kulmiye  ooy  niman . jenaraalo  ahi  hogaaminayaan  waana  la  ogaa  qeyladii  iyo  oohintii   ay  ka  kaceen  ee  warbaahinta  ay  ilaa  hada  sii  mariyaan  oohintoodii  iyo  waa  nala  afduubeydii  ka  yeedhey!
Hadaba  kooxdii  siyaasadii  xisbiga  kulmiye  uu  jabka  weyne  ka  gaadhey  ayaa  waxey  cidlo  ka  heleen  xisbi  uu  hogaamiye  ka  yahey  wadaad  aan  hubeysneyn  oo  waranle  ah,  waa  cabdi  raxmaan  cirro  e   deedna  waxey  si  fudud  u  dileen  ooy  u  dhaafiyeen  booskiisi   axmed  muunin  seed  oo  ahaa  saaxibkiisi   xisbiga  halkaasi  la  soo  gaadhsiiyey  taasina  waa  arin  muhim  ah  oo  cabdirxaan  cirro  lagu  qiimeyndoono  abaal  la'aanta   iyo  waliba balan  furka  uu  durba  ku  sameeyey  axmed  muunin  seed  isagoon  geedba  goosan  barri  markuu  dhergana  maxaad  ka  filan  kartaa?
Isku  soo  wada  duub  oo  taariikhdii  feedhka  ee  cabdiraxaan  cirro   tan  muunin  seed isku  dar  oo  maxaa  ka  muuqda  in  aanu  aheyn  qof  aqli  ahaan  meel  fog  wax  ka  eega  ,  sidaasi  darteed  dalkan  iyo  dadkani   maanta  uma  baahan  nin    cabdi  raxmaan  cirro  oo  kale  ah  ee  yaaney  koox   fashilantey  oo  xoolahii  ummada   ka  tijaartey  been  iyo  amaan  madhan  dadka  u  sheegin.
Waad  mahadsantahiin.
Qore:   Tahir  hussein,  london,uk
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree